”Hebeloow ma dagaallami kartid!” – Rag Madaxtooyada ku dhow dhow oo ay kasoo burqanayaan kelmado mas’uuliyad darro ah & halista ku jirta

0

(Muqdisho) 24 Maarso 2021 – Waxaa beryahan magaalada Muqdisho ka socda fan-hadal siyaasadeed halis ah kaasoo ujeedka laga leeyahay uu yahay in dadka loo gooddiyo ama iyaga la isku diro, balse aysan kasoo baxayn natiijada laga doonayo.

Ritooriiggan oo ay bulshada la hor tagaan qaar ka mid ah ragga Madaxtooyada ku dhow dhow isla markaana daacadda u ah nidaamka haatan jira ee waqtigu ka dhamaaday waloow aynaan hubin in lala ogyahay iyo inay iskood u wadaan, ayaa waxaa lagu adeegsadaa erayo badan oo xanafaysan isla markaana aan cawaaqibkooda aad looga fikirin.

Waxaa ka mid ah erayo ay sheegayaan dad qaab beeleed la isugu aaddinayo oo midba ku kale oo reerkiisa ah lagu ligayo, taasoo haatan lagu soo kordhiyey hoggaamiye kooxeedyadii dalka soo maray kuwii ugu heerka hooseeyey qaarkood, kuwaasoo aan haatan door siyaasadeedba lahayn.

Waxaa shalaytoole uu Cali Yare oo ka mid ah dadka dacaayadda ugu qaybsan nidaamka haatan jira uu si cad bulshada ugu sheegay arrin bulshada aad u hiyi kicisay oo uu si cad dadka u kala dooransiinayo in 2-da sano ee ku darsiga ah la aqbalo ama uu dalku burburayo, isagoo soo qaatay maantoolaysi miyiga ku salaysan oo aan lagu dhisi karin istaraatijiyadda iyo siyaasadda dal casrigan jira.

Waxaa intaa dheer, sawirro la isku dhedhejinayo guryo burbursan iyo kuwo dhisan, dabaqyo ay dadwaynuhu dhisteen iwm, taasoo sidoo kale la raacinayo qoraallo u dhadhamaya sidii in bulshada loogu hanjabayo in laga burburin doono haddii ay muddo kororsiga diidaan.

Dhaqamada noocan ah oo ugub ku ah siyaasadda dalku ku socdey xilliyadii burburka kaddib ayaa noqon doona kuwa ma dhalays ah maadaama umad haatanba burbur ku jirta aan burbur loogu gooddiyaa jirin, balse nidaamka jira looga baahnaa inuu diiradda saaro wixi dadka iyo dalka dhisaya intii uu ku mashquuli lahaa siyaasad dugsi hoose ah oo aan xitaa iyaga wax u tari doonin marka la eego sida ay wax u wadaan maanta.

Waxaa sidoo kale arrimahan ka muuqda kicin bulsho, isku dir iyo caraadin aan iyadana looga baahnayn nidaam mas’uuliyad wax ka garanaya, weliba umadda colaad kasoo doogaysa oo u baahan booga dhayid in lagu yiraahdo ”hebeloow ma dagaallami kartid” iyo ”haddaad wax isku hayso soo bax”, waa arrin u baahan in laga waantoobo inta goori goor tahay oo balaayada loo baaqayo afkeeda la qaban karo.

Qofkii aan dalkan wax ku kordhin karinoow wax ha u dhimin, oo maalinta aad taag hayso talo ku dar. Waa dardaaran.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media