Madaxtooyada Somalia oo kharash badan ku bixinaysa lobby caalami ah oo Maraykanka ka gada (Caddayn)

0

(Washington, DC) 24 Maarso 2021 – MW Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo dhowaan ku dhawaaqay muddo kororsi hal dhinac ah oo aad loogu muransan yahay ayaa qabsaday hay’ad kuwa wax qalqaaliya ah oo qaddiyaddiisa ka iibisa Koongarayska Maraykanka iyo MW Joe Biden oo ka hor yimi sida uu wax u wado, sida ku cad dokumenti la helay.

Sharikaddan oo la yiraahdo LFA Holdings isla markaana fadhigeedu yahay Gobolka New Jersey ayaa loo sii maray Safaaradda Somalia ee Washington DC waxaana lagu howlgelinayaa adduun dhan $150,000 oo ka baxaysa khasnadda umadda.

Sharikaddan ayaa qabanaysa howlo ay ka mid yihiin inay qalqaalo (lobby) u gasho inay Maamulka Washinton ka iibiso siyaasadda kali duulnimada ah ee uu haatan Farmaajo wado iyo inay suurageliso booqasho uu halkaa ku tago.

Nuqul ka mid ah dokumentiga ayaa waxaa ka muuqata in LFA ay sidoo kale u xil saaran tahay inay hirgeliso kulamo iyo galaangal dhexmara isaga, Koongaraysa iyo khubaro kale oo Maraykan ah, waloow aan tafaasiil dhaafsiisan intaa laga bixin, sida ku cad heshiis uu ka muuqdo Danjiraha Safaaradda Somalia ee Washington, Cali Shariif Axmed, oo ku socotey Agaasimaha LFA, Luis Aleman.

Farmaajo ayaa shirkaddan qabsaday 22-kii Maarso oo ku beegnayd 3 maalmood kaddib markii uu Wasiir Dibadeedka Maraykanka, Antony Blinken, uu Madaxtooyada Somalia ku tirtirsiiyey inay doorasho dalka ka agaasimaan oo turaanturrada joojiyaan.

Maraykanka ayaa Somalia siiya gargaar aadminnimo, mid ciidan iyo mid saanadeed kaasoo sanadkii tegey ahaa $137 milyan oo doollar, wuxuu sidoo kale siiyaa taageero siyaasadeed isagoo Muqdisho ku leh Safaarad rasmi ah, isagoo ku gooddiyey inuu waxaas oo idil ka fikirayo haddii muddo kororsigu sii socdo.

Hadalsame Media