Meesha ay mucaaradku Farmaajo uga liitaan iyo midda isaga haatan la gudboon

0

(Hadalsame) 26 Abriil 2021 – Xalka ugu dhow dhow waa in labadii sano ee ku darsiga ahayd laga noqdo, markii hore ba waa lagu degdegay, lama dhacsanayn anigu haddana lama dhacsani in lagu sii adkaysto.

Baarlamaanku waxay ahayd in uu digniin ka dhigo kulankooda, oo yidhaahdaan haddii ju aad heshiin waydaan muddo cayiman oo intaas ah, talada waan idin kala wareegeynaa.

Hadda labada dhinac ba waxay ummadda dhagaheeda ku ridayaan in qolada kale ay diiddantahay heshiiskii 17-kii Sebtembar ay Dhuusomareeb ku gaadheen, wixii kasoo noqdayna lagu soo saxay Baydhabo.

Dalka intaa le’eg ee aqoonyahanka, culimada iyo waayeelka leh, ma waxaa laga waayay afar oday oo lagu kalsoon yahay oo intay labada daraf la fadhiistaan waxa jira xalliya?

Waxaaba ku filan inyar oo inta dhex fadhiisata tidhaahda, war saw 17-kii Septembar heshiiskii ahaa labadiinuba ma ogolidin? Haa, waa tane saxiix, dalkuna doorasho ha galo.

Anigu musharraxayga kuma taageersani in uu wax lagu muransan yahay xilka kusii hayo, mana doonayo in laba sano oo aan cidina kala shaqaynayn doorasho cod iyo qof ah in ay dalka ka lunto, sidaa daraadeed ayay muhiim tahay in doorasho la galo.

Dhanka kale Farmaajo nin adag oo oo belaayo ka dhacday ma aha, waxa qurxiyay oo sawir wanaagsan ka bixiyay dhawr qodob.

– Ma aanu helin mucaarad mabaadii adag leh oo ku cidhiidhin kara quluubta Soomaalida, inta kasoo horjeeddey waxa ay lahaayeen saddex nabar oo looga doorbidayay Farmaajo;

– Ma ay ahayn wejiyo cusub oo dhaliil la’, waxay qabeen dhaawacyo hore oo ay ka dhaxleen xilal ay hore u qabteen.

– Marnaba ma aanay sheegayn waxa ay ku dhaami lahaayeen isaga haddii ay xilka hayn lahaayeen, ama ay xilka qabtaan.

– Weerarkooda oo ay ku koobeen Madaxweynaha oo qudha iyo in ay iska indhotireen shisheeyaha, afkana ka dhawreen in ay ku dhuftaan gardarrooyinkii Kenya si ay usoo jiitaan Soomaalida u aragta in Keenyaanku faragelin ku hayo dalka.

– Waxa kale oo iyaduna liidatay isbahaysiyadii Puntland iyo Jubbaland oo dadku qabyaalad cad u fasirteen, iyo midda Muqdisho ka socota oo iyaduna la sawir ah, maadaama shirar beeleysan la qabtay, waxa ay sawir qurxoon ka bixiyeen Madaxweynaha oo aan lagu tuhmayn qabyaalad iyo sadbursiimo ay mucaaradku xataa qireen.

Guntii iyo gebagabada waxay ila tahay oo aan qabaa in Dowladda musharrixiintu kaga gacansareeyaan kicinta beelahooda iyo kusoo jeedinta beesha caalamka iyo shisheeya ay ku casuumayeen in ay dalka soo farogeliyaan.

Halkaa markay joogtana, marnaba Farmaajo kuma sii ahaan karo Madaxweyne xukunkiisu meelmaro, hana filan in uu laba sano iyo 10 sano doorasho qof iyo cod ah dalka gaadhsiiyo, waayo cid kala shaqaynaysa, awood uu kujoogo iyo mid uu ku fuliyo malaha.

Sidaa darteed ayay dalka iyo dadkaba xal ugu tahay wadahadal iyo in la is barbaryo oo uu xattaa wax badan oo uu xaq u lahaa kasoo tanaasulo si dalka hooyo usii bedqabo.

Waa la ina sitaa saaxiibayaa, Farmaajana Soomaaliya ayaa ka weyn kana qaalisan, boqollaal Farmaajo qudhiisa ka kheyr badanna waan leennahay ee aynu is aamino Inshaa Allaah.

#Qirasho

Waxaa Qoray: Abwaan Khaliif Faarax Xayir

FG: Qoraal kasta wuxuu ka tarjumayaa qofka ku saxiixan

Hadalsame Media