Guddoonka Aqalka Sare oo sharci darro Dastuuri ah ku tilmaamay Tillaabooyin uu qaaday Aqalka Hoose

0

(Muqdisho) 26 Abriil 2021 – Guddoonka Aqalka Sare ee BFS, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa Hay’adaha DF iyo cid kasta oo xiganaysa nidaamka sharci-dejinta dalka, wuxuu uga digey hadallada ama qoraallada ka hor imaanaya Dastuurka Dalka, sida uu yiri.

Md Cabdi Xaashi ayaa sharraxaad ka bixiyey Hab-raaca dastuuriga ah ee Xeer-dejinta dalka kaas oo qeexaya in awoodda Labada Aqal ee Baarlamaanka DF uu ka koobanyahay dhamaanba Labada Aqal.

“Awoodda xeer-dejinta Dalka waxaa iska leh labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, hal Aqal kaligiina iskuma koobi karo, mana ku Shaqeyn karo awoodda Baarlamaanka sida ku cad Qod.55aad ee Dastuurka KMG ah oo dhigaya in Baarlamaanka Federaalka uu ka kooban yahay labo gole oo kala ah Golaha Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka”

Faahfaahinta Nidaamka Xeer-dajinta Dalka

Sida ku cad “Madaxa Afaraad (Qod.79-aad – Qod.86aad) ee Cutubka Lixaad ee Dastuurka KMG ah wuxuu xeerinayaa dhammaan tallaabooyinka loo baahan yahay in sharci kasta oo qabyo ah uu maro. Nuxurka tallaabooyinkaas waa sida hoos ku qoran:

1. In sharci kasta oo qabyo ah ee la horkeeno mid ka mid ah labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay waajib dastuuri ah tahay in uu maro aqalka kale ee Baarlamaanka Federaalka iyada oo la raacayo habraaca dastuuriga ah ee sida faahfaahsan loogu qeexay Qod.82aad iyo Qod.83aad ee Dastuurka KMG ah.

2. In nuqulka kama dambeysta ah ee ay si kala goonni ah u meel mariyeen labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya loo gudbiyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya si waafaqsan Qod.82aad, Qod.83aad iyo Qod.90aad(f) ee Dastuurka KMG ah; si uu u saxiixo.

3. In nuqulka uu ansixiyay Baarlamaanka Federaalka uuna saxiixay Madaxweynaha Jamhuuriyadda lagu soo saaro Faafinta Rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya si waafaqsan Qod.82aad, Qod.83aad iyo Qod.85aad ee Dastuurka KMG ah”.

Sida oo kale, Dastuurka KMG ah wuxuu si faahfaahsan uga hadlay habraaca lagu meelmarin karo Xubnaha Guddiyada Madaxa-bannaan oo uu ka mid yahay Guddiga La Dagaalanka Musuqmaasuqa, sida uu xeeriyay Qod.112aad ee Dastuurka KMG ah. Sida oo kale, xeerka lagu dhisay Guddigaan ayaa si qummaati ugu qeexay qodobbada 10aad iyo 11aad habraaca loo marayo dhismaha guddigaan.

Haddaba, tallaabooyinka lagu soo magacaabay, sida loo ansixiyay iyo sida sharci-darrada ee loo dhaariyay waxay baalmarsan yihiin qodobbada Dastuuriga ah iyo sharciga kor ku xusan ee Labada Aqalka ee Baarlamaanka Federaalku ansixiyeen, sida uu yiri.

Tusaale, Aqalka Hoose ee Baarlamanka DF ayaa kaligii ku dhawaaqay inuu muddada u kordhiyey MW Somalia, taasoo sharci darro noqonaysa maadaama ay Labada Aqal wada doorteen Madaxwaynaha.

Hadalsame Media