XOG: Laba Guddoomiye Degmo oo xilka laga xayuubin rabo & iyaga oo shir jaraa’id qaban kara

0

(Muqdisho) 26 Abriil 2021 – Xog hoose oo nasoo gaaraysa ayaa sheegaysa in xilalka laga qaadi rabo laba Guddoomiye Degmo, kuwaasoo lagu haysto inay ku lug yeesheen amar diidada DF.

Waa labada Guddoomiye ee Dayniile oo ah Jacfar Abuukar iyo Shibbis Maxamed Fil Fil.

Warkan ayaa waxaa Hadalsame Media soo gaarsiiyey ilo ku dhow dhow Guddoonka Gobolka ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Md Cumar Filish.

Waxaa dhici karta inay laftoodu qabtaan shir jaraa’id oo ay ku faahfaahinayaan inay iskood uga bexeen nidaamkii ay ka tirsanaayeen.

Hadalsame Media