Halka ay salka ku hayso dabaaqda Geelle ee Somalia ka dhanka ah & meesha uu isku ceebeeyey

0

(Hadalsame) 24 Maarso 2021 – Waxa Ismaaciil Cumar Geelle ku khasbay inuu dafiro duullaanka Kenya ay SoomaAliya kusoo qaaday & inuu ka shaqeeyo in Soomaaliya ay dowlado shisheeye faragaliyaan waa “Muxu farmaajo xariir ula samaystay dowlada Eritrea?!”

Haddaba Ismaaciil Cumar Geelle asagu dantiisa ma u baajiyay SoomAaliya ? Taariikhda aan dib ugu laabanno:

2006 ayay Jabuuti & Ethiopia kala saxiixdeen in dib loo cusboonaysiiyo wadada tareenka ee u dhaqaysay ethiopia & jabuuti. Mashruucaas waxa uu ahaa midkii ugu wayna ee uu ismacil omar gele hirgaliyo

Asbuuca heshiiska hirgalinta uu dhacayay waxay Ethiopia muqdisho ku xasuuqday ku dhawaad 2000 oo shacab ah : caalamka oo dhan ayaana arinta walaac ka muujiyay: halka Ismaaciil Cumar Geelle uusan hal mara ka hadal dhacdadaasi.

Haddaba waxa iswaydiin mudan gormuu ismacil omar gele dantiisa uga tanaasuli jiray Soomaaliya? Ismacil waxa uu shalay fiirinayay masaakiixdiisa Maxa maanta Soomaaliya u diidaya inay fiiriso masaaliixdooda?

Waxaa intaa dheer in Somalia xitaa haddii ay xiriir la sameeysato Eritrea aysan marna taageeri moowqif Eritrean oo Jabuuti ka dhan ah, sida uu Ismaaciil Kenya ugu taageeray dulmiga ay Somalia ka waddo.

Maxay kula tahay adiga?

Waxaa Qoray: Xuseen Jaamac

Hadalsame Media