XOG: Midowga Afrika oo Ergay Gaar ah usoo diri kara Somalia (Waa kee?)

0

(Addis Ababa) 23 Maarso 2021 – Kaddib markii uu Golaha Amaanku soo saaray War Saxaafadeed ku baaqaya in dib loosoo celiyo wada hadalladii doorashada waxaa la dhowrayaa tillaabada xigta.

Madaxtooyada DF ayaa u muuqata mid u qoor dhiibatey Midowga Afrika, kaasoo haatan xalka laga dhowrayo.

Haddaba, ilo diblomaasiyeed oo ku dhow Midowga Afrika ayaa tilmaamaya in Ernest Bia Koroma, oo ahaa Madaxweynihi hore Siera Leone laga yaabo inuu noqdo Ergeyga Sare ee Midowga Afrika u soo magacaabayo dhex dhexaadinta dhinacyada is haya.

Ergaygan oo haddii la soo magacaabo lagu wado inuu arko DF iyo mucaaradka Somalia, ayaa ka shaqayn doona sidii loo gaari lahaa heshiis loo dhan yahay.

Hadalsame Media