Muxuu go’aanka Midowga Afrika uga dhiganyahay Madaxtooyada? (Tillaabo ay qaadday oo iyada kusoo noqotay)

0

(Addis Ababa) 23 Maarso 2021 – Golaha nabadda iyo ammaanka Midowga Afrika waxa ay ku baaqeen in ergay gaar ah oo ka socda ururka loo magacaabo ismari-waaga doorashada ee hadda ka taagan Soomaaliya, si uu isgu keeno dhinacyada Soomaalida.

Ka dib kulankii ay shalay yeesheen ee ku saabsanaa arrimaha Soomaaliya, waxay xalay soo saareen war-murtiyeed ay ku qeexayaan mowqifkooda ku aadan doorashada Soomaaliya.

War-murtiyeedka oo ka koobnaa 14 qodob, Midowga Afrika wuxuu ku cambaareeyay go’aankii Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ee mudda kordhinta ugu sameeyeen madaxwaynaha.

Midowga Afrika ayaa sidoo kale madaxda Soomaalida ugu baaqay in ay ka wada-xaajoodaan sidii dalka ay doorasho uga dhici lahayd.

Go’aanka Midowga Afrika muxuu uga dhiganyahay dowladda Soomaaliya?

Dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda Soomaaliya ayaa sheegaya in go’aanka Midowga Afrika ee la xiriira ismari-waaga siyaasadeed ee hadda ka taagan dalka uu yahay mid adag, marka loo fiiriyo habka ay uga hadleen, taas oo ah wax aan horey looga fileynin.

Barafasoor Jibriil Cali Aw Maxamed, oo wax ka dhiga jaamacadda Ohio ee dalka Mareykanka, ayaa sheegay in arrintaan ay waji gabax ku tahay dowladda Soomaaliya.

“Runtii, marka hore dowladda Soomaaliya arrintaan waxay ku tahay waji gabax, waayo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, isaga ayaa u safray dalka Koongo, si uu ula kulmo guddoomiyaha Midowga Afrika, isaga ayaana codsaday in Afrika ay arrinta soo kala dhex gasho,” ayuu yiri Barafasoor Jibriil oo BBC-da u waramayay.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey u sheegtay in ay soo dhoweyneyso in Midowga Afrika uu qaato dowrka fududeynya, si saamileyda siyaasadda ee dalka ay uga heshiiyaan hannaanka doorashada xilligeedii la soo dhaafay.

Arrintan waxay soo baxday kaddib markii, dhawaan wafdi uu hoggaaminayay Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo, uu booqasho ku tegay caasimadda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Koongo, Kinshasa, halkaasi oo uu kula kulmay dhiggiisa, Madaxweyne Felix Tshisekedi, oo haatan ah guddoomiyaha Midowga Afrika.

Barafasoor Jibriil Cali Aw Maxamed ayaa qaba in booqashadii Madaxweyne Farmaajo ee Koongo, iyo kulankaas uu dhigiisa la yeeshay, ay qasbayso in uu hadda u hoggaamsamo warka ka soo baxay Midowga Afrika.

“Haddii dowladda ay ku adkeysan lahayd ‘innagu dal Qaran ah ayaan nahay oo hay’addaha yaga ayaa wax maareeynaya innagaa heshiineyna’, wa alaga haybsan lahaa, laakin maadama uu qoor dhiibtay oo uu yiri ‘Afrika ayaa arrinta fududeynaysa’ hadda wuxuu ku qasban yahay madaxweynaha inuu raaco,” ayuu yiri Mr Jibriil.

Xigasho: BBC

Hadalsame Media