Maraykanka oo qiray khatar ka dhalatay ciidankii uu kala baxay Somalia & kuwo weli Muqdisho ka jooga oo uu sheegay waxa ay qabtaan

0

(Muqdisho) 23 Maarso 2021 – Jeneraalka hoggaamiya Taliska Afrika ee Maraykanka (AFRICOM), ayaa qiray in qorshihii soo boodada ahaa ee uu Maamulkii Trump Somalia uga saaray Maraykanku ay keentay caqabo hor leh oo ka imanaya dhanka argagixisada Shabaab, sida uu yiri.

Yeelkeede, Jen. Stephen Townsend, ayaa dhanka kale sheegay in halista ay haatan ay Somalia wajahaysaa ay kaba daran tahay midda Al Shabaab, isagoo tilmaamay wax uu ku sheegay ”lakabyo adag” oo aanu faahfaahin iyo inay wax kasta cakiran yihiin taasina ay ka daran tahay halista Shabaabka, xilli ay Somalia ku jirto marxalad cakirnaan ah.

“Ma dafirayno in ka bixintii Ciidamada Maraykanka ee Somalia uu keenay lakabyo cusub oo adag iyo khatar,” ayuu yiri Jen. Stephen Townsend oo ka tirsan Ciidanka Lugta oo la hadlayey Guddi Hoosaadka Ciidamada iyo Adeeggooda ugu qaybsan Senet-ka.

“Fahamkeenna waxa ka dhacaya Somalia haatan waa ka yar yahay sidii uu ahaa markii aanu jir ahaan u joogney,” ayuu ku yiri senatorro uu xog-siinayey xilli dib loo eegayo joogitaanka ciidanka Maraykanka ee dibedda.

Maraykanka ayaa horraantii Diseembar sheegay in ay Somalia ka saarayaan ilaa 700 oo askari kuwaasoo bartamihii Jannaayo la sheegay in laga wada qaaday dalka lana geeyey dalalka deriska ah.

Townsend ayaase sheegay inay jiraan ciidan ilaa 100 askari gaaraya oo haatan ku suga Muqdisho, kuwaasoo la shaqeeya Safaaradda Maraykanka ee Muqdisho.

Hadalsame Media