”Inaad sidaa noo eedaysaan nagama kiin qabato!” – Jabuuti oo si qiira leh uga jawaabtey eed markii 2-aad uga imanaysa madax ka tirsan DF Somalia

0

(Jabuuti) 23 Maarso 2021 – Ilyaas M. Dawaale, Wasiirka Maaliyadda & Dhaqaalaha Jabuuti ayaa calool xumo ka muujiyey si qiira lehna uga hadlay eedaha ay markii 2-aad u jeediyeen madax ka tirsan DF Somalia, oo siyaasadii caalamiga ahayd u wajahaya qaab dareen shakhsi ah ku dhisan.

Wasiirka ayaa bartiisa Twitter kusoo qoray war u muuqda mid uu ugu gar dhiganayo madaxda hadashay isagoo xusuusinaya in labada dal uu ka dhexeeyo xiriir dhow oo aanu midba kan kale dhagri karin.

”In Jabuuti lagu eedeeyo inay Somalia faragelinayso ama dhinac la jirto waa arrin aan micnle lahayn, waxay sidoo kale dhaawacaysaa sida aan u qiimayno xasillooniada iyo nabadda Somalia,” ayuu ku bilaabay Wasiirku.

”Sidoo kale aad baan u qiimaynaa wixii ay Somalia na tartay, sidaa darteed, sidoo kale ayaan samaynaa. Taasina waa sababta ay wiilasheennu ugu dhimanayaan dib usoo noolaanshaha Somalia,” ayuu raaciyey Wasiir Ilyaas.

”Aad baan uga niyad jabay inaan mar kale maqlo eedo ka imanaya Wasiir sare oo Somalia ah oo nagu eedaynaya inaan ajende ka leennahay xiisadda haatan ka oogan Somalia. Jabuuti sidan oo kale ma mudna.” ayuu kusoo afjaray.

Hadalsame Media