Dhibaatada lagala kulmo marka hoggaamiyuhu isku hareereeyo hoorriyo isaga u daacad ah balse aan hal kale hayn (Arrin horay u qabsatay Joseph Stalin)

0

(Hadalsame) 24 Maarso 2021 – Madaxii Soofiyeetka, Istaaliin, saraakiishii ciidanka u sarreysey ayuu uga baqay xukunkiisa markaas ayuu intii ugu tayada fiicnayd shaqada ka saaray. Wuxuu soo reebay kuwo isaga daacad u ah oo taladiisa maahee aan iyagu talo tooda ah keeni karin.

Markaasi waa 1939-kii, 2 sannad kaddib ayaa Jarmalku bilaabay weerarkii Barbarossa oo dhawr todobaad boqolaal kiiloomitir gudaha u galay Soofiyeetka. Hal maalin ayaa Jarmalku ku burburiyeen ilaa laba kun oo diyaaradood oo Soofiyeetku lahaa. Boqolaal kun oo ciidan ah ayaa wax la diley iyo wax is dhiibay muddo yar ku noqday.

Saraakiisha joogey furimuhu ma aqoon inay iyagu tashadaan. Waxay sugayeen amarka Istaaliin isaguna ma awoodin inuu toban furimood ka taliyo.

Caasimadda Moosko iyo magaalooyinka ugu waaweyn xabbaddu waa gaartay laakiin ugu dambayn baraf badan, ciidammo gurmad ah oo Soofiyeetka barigiisa laga keenay iyo dhawr Jeneraal oo Istaaliin ka badbaaday ayaa Soofiyeetku ku soo rogaal celiyey.

Madaxda iska fogaysa dadka waxgaradka ah oo go’aanka leh si ay xukunka u joogaan, waxaa u soo hara xoogaa buunsho ah oo maalin adag aan wax ka tari karin. Laakiin markaad jeceshahay inaad noqotid baarqab aan laga dhinac hadlin, taasi waa kuu raaxo iyo guul.

Waxaa Qoray: Cabdulqaadir Diiriye

Hadalsame Media