Xog muhim ah oo ay Turkish Airlines u hayso rakaabka u duulaya ama ka imanaya UK & Denmark (Duullimaadyada oo la bilaabayo)

0

(Istanbul) 22 Maarso 2021 – Sharikadda Turkish Airlines ayaa dib u bilaabaysa duullimaadyadii UK iyo Denmark sida uu sheegay Agaasimaha Guud ee sharikadda Bilal Ekşi.

Turkey ayaa horay si KMG ah u hakisay duullimaadyadii tegi jirey labadan dal bishii Diseembar kaddib markii uu soo baxay nooca cusub ee dhalan rogan ee coronavirus.

Ekşi ayaa Twitter ku faafiyey in rakaabka ka imanaya labadan dal lagaga baahan yahay inay maraan imtixaan caafimaad oo ah nooca PCR kaasoo ay ku caddahay inaanay cudurka qabin 72 saacadood kahor duullimaadka.

Yeelkeede, duullimaadyadii ka iman jirey Brazil iyo South Africa ayaa sii xayirnaan doona maadaama halkaa laga helay noocyo halis ah oo Covid-19 ah, iyagoo qayb ka ah 3-da dal ee UK, South Africa iyo Brazil, kaasoo 70% ka faafi og midkii hore, sida ay WHO sheegtayna wuxuu gaarey 70 dal.

Hadalsame Media