Sumcad beel caalami ah oo Somalia ku socda & dalal aan ka hadli jirin oo war kasoo saaray

0

(Hadalsame) 22 Maarso 2021 – Somalia ayaa maraysa xaalad cakiran oo hubaal la’aan ah kaddib markii ay DF Somalia ku fashilantay inay doorashadii la sugayey qabato, iyadoo qayb ka tirsani ku dhawaaqday muddo kororsi xaaladda uga sii daraya.

Warbaahinta dunida ayaa aad uga hadlaysa ismariwaagan cusub oo dadka gelinaya rajo beel cusub, iyadoo uu wargayska The Guardian qoray cinwaan u akhrismaya: ”Kooxaha Somalia oo Muqdisho ku dhex faafaya jeer ay xil isku haystaan.”

Warqaadyada caalamka ayaa wada qoraya cinwaanno aan u qurux badnayn dalka Somalia oo sanadihii dambe ugu yaraan ku fiicnaa hal arrin oo ahayd in doorasho ka dhacdo, taasoo haatan u muuqata inay rakaato siyaasadeed gashay.

Waxaa ay taasi keentay inay cid kastaa ka hadasho arrimaha Somalia, iyadoo Danjiraha joogtada ah ee QM u fadhiga dalka Vietnam Dang Dinh Quy, uu sheegay in dalkiisu ka walaacsan yahay wararka ka imanaya Somalia oo wiiqi kara geeddi socodkii doorashada, sida uu yiri kaddib markii uu shir guddoomiyey shirkii Golaha Amaanka oo uu dalkiisu haatan ku jiro 10-ka dal ee kaltanka ah.

Hadalsame Media