Somalia oo loosoo wado gaadiid gaashaaman oo lagu sameeyey dal Afrikaan ah + Sawirro

0

(Lagos) 21 Maarso 2021 – Gawaari gaashaaman oo lagu farsameeyey dalka Nigeria, gaar ahaan wershad ku taalla  Ijebu-Ode, ee Gobolka Ogun State ayaa la keenayaa dalka Somalia

Gaadiidkan gaashaaman oo ay inta badan maxalli ahaan u isticmaalaan ciidanka Nigeria guud ahaan, gaar ahaan Booliisku, ayaa waxaa haatan iibsatey QM oo u adeegsan doonta howlaha nabad ilaalineed ee Somalia.

Waxaa gaadiidkan oo laga soo daabuley magaalada Lagos, lagu wadaa in lagu qalabeeyo Ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa Booliiska oo ay Nigeria lafteedu qayb laxaad leh ku leedahay, halkaasoo ciidamo hor leh laga keenay todobaadkii tegey.

Warbaahinta Nigeria ayaa qoraysa warar muujinaya sida ay ugu faanayaan tillaabadan, iyadoo ay arrintan gacan ka gaysanayso sharikada Nigerian ah oo Proforce la yiraahdo.

Hadalsame Media