TALA XUMO: Musharrixiinta qaarkood waxaa iskaga khaldan mucaaradidda Farmaajo & qaranka Soomaaliyeed

0

(Hadalsame) 21 Maarso 2021 – Fowdo mise Dowladnimo?!! Waa muhiim in aan kala saarno shaqsiga iyo Dowladnimada. Waxaan dhageystay masuuliyiin musharaxiinta kamid ah oo ku hadlaya hadalo dowladnimada aan heysano dhaawac weyn ku ah, sida;

1. Ganacsatada in aysan bixin canshuurta ku waajibtay si MW Farmaajo uusan u helin lacag uu wax ku maamulo. Canshuurta ganacsatada ay bixiyaan waxa ay siiiyaan Dowladda waxa ayna ku dhacdaa hal qasnad (Single Treasury account). Sidaas darteed ma ahan wax Mudane madaxweyne Farmaajo uu leeyahay haddi la waayana Cawaaqibta ka dhalaneyso ay dhammaan umadda Soomaaliyeed saameyno oo uu kujiro masuulka hadalka yiri laftirkiisa.

2. In ay askartu ka soo goostaan dowladda, askarigii ka soo goostana ay bixin doonaan mushaarkiisa. Taasi waxa ay sababeysaa burbur dhanka ciidanka ah oo aan ognahay waqtiga iyo kharashka la geliyay.

Waxaan ognahay ciidanka ilaaliya musharixiinta in mushaarkoodu ay dowladdu bixiso. Hadalada nuucaas ah kuma haboona in qof masuul ah uu ku hadlo.

Sidaas darteed masuuliyiintu waa in ay si wadajir ah u ilaaliyaan waxa guud ee naga wada dhaxeeya (Amniga, dhaqaalaha iyo Kheyraadka).

SOOMAALIYA WAA INAGA WADA DHAXAYSAA AAN WADA ILAASHANO.

Waxaa Qoray: Axmed Sheekh Cabdullaahi

Hadalsame Media