DAAWO: Meheradaha Soomaalida Ankara oo weerar lagu qaaday & sheeko uu qoray wargays Turkish ah oo u sabab ah + Fal-celinta

0

(Ankara) 21 Maarso 2021 – Soomaalida ku nool Turkiga ayaa meelaha qaar lagu bilaabay weerarro gacan ka hadal ah iyo erayo cunsuriyadeed kaddib markii ay saxaafadda dalkaas ee mucaaradka taageersani ay qoreen sheekooyin ay ku buun buuninayaan inay Soomaalidu qaadatay xaafado ka tirsan Ankara sida Kiziley oo ay ku tilmaameen ”Somalia yar.”

Waxaa lasoo duubay muuqaallo muujinaya meherado ay Soomaalidu leeyihiin ay la jejebinayo kaddib markii ay weerar kusoo qaadeen kooxo cunsuri ah.

Mid ka mid ah Twitter-rada Turkiga ayaa lagu soo qoray sidatan:

Kaddib cinwaankii lagu qoray Sözcü ee ahaa, “Soomaalidu waxay qalbiga Ankara u rogeen sidii dalkoodii”, goobohoodii shaqo ayaa la weeraray. Ciwaankaas qayrul-mas’uulka ah ee wargayska lagu daabacay dhibkan ayuu horseeday. Waxaa Twitter-kan sidoo kale lagu lifaaqay muuqaalka.

Waa kan cinwaanka lagu qoray warqaadka Sözcü:

”Ganacsatada iyo magangelyo-doonka Soomaalidu waxay laba jid oo ku yaalla Kızılay, qalbiga Ankara, u rogeen dalkoodii.”

Dadka Turkiga ah ayaa deeto bilaabay inay warkan ka fal-celiyaan iyadoo ay qaarkood bilaabeen inay la tacaadufaan Soomaalida iyadoo ay qaar dood ka keeneen in la isku xiro cinwaanka wargayska iyo weerarkan, halka qaar kale ay ku tilmaameen qayrul-mas’uulnimo iyo cunsuriyad waxa uu wargaysku sameeyey.

Hadalsame Media