Ciidamada Midowga Yurub oo sheegay in kalluumaysi sharci darro ah oo aan caadi ahayn uu ka socdo xeebaha Somalia + Sawirro

0

(Muqdisho) 22 Maarso 2021 – Ciidanka Midowga Yurub ee ku sugan xeebaha Somalia ayaa soo sheegaya in halkaa uu ka socdo kalluumaysi tarab tarab ah oo ay wadaan doonyo caalami ah.

Ciidankan oo la yiraahdo EU Navfor isla markaana xeebaha Somalia ka fuliya howlgal la yiraahdo Operation Atalanta oo ay ku sheegaan inay kula dagaallamayaan burcad badeed, ayaa goor dhowayd sheegay inay arkeen ”howlo aan caadi ahayn” oo halkaa ka socda.

”Intii lagu jirey howlaha roondada ee lid burcadeedka ah, waxaannu xeebaha Somalia ku aragnay kalluumaysi aan caadi ahayn, waxaana ku samaynaynaa baaritaan.” ayuu u dhignaa war kasoo baxay Ciidanka Badda isku Dhafka ah ee Midowga Yurub.

Somalia ayaa ah dal aan lahayn ciidan badeed oo awood u leh ilaalinta xeebaha dalka, iyadoo aysan EU xitaa doonaynin in Somalia loo dhiso mustaqbalka dhow, maadaama ay wadaan qorshe lagu sameeynayo Booliis wata doonyo yar yar oo aan dhaafi karin xeebaha dhow.

Sanadkii tegey ayay DF Somalia sheegtay inay biyaha Somalia ka buuxaan doonyo kalluumaysi oo sharci darro ah, iyagoo gaar u xusay dalka Iiraan.

Hadalsame Media