Dadwaynaha Nigeria oo qosol uga jawaabey Booliiska dalkooda ee Somalia la geeyey + Sababta

0

(Muqdisho) 22 Maarso 2021 – Waxaa magaalada Muqdisho gaarey Ciidamo Booliis ah oo laga keenay dalka Nigeria, kuwaasoo ka mid noqonaya Howlgalka AMISOM qaybta Booliiska.

Booliiskan yimid oo ay tiradoodu gaarayso 144 askari ayaa la sheegay inay taageero howlgal siinayaan Booliiska Somalia.

Waxay sidoo kale hoga tusaalayn iyo tababarro mug dhisid ah u samaynayaan Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo dib u dhis lagu wado.

Yeelkeede, dadka reer Nigeria ayaa khabarkan maadsi ka dhigtay iyagoo muujinaya in Booliiska Nigeria uusanba ku fillayn wax ka qabashada amaanka Nigeria, iskaba daa inay dal kale wax taraane.

Qof baa soo qoray: ”Somalia fiise ha waydiistaan, waayo Nigeria iyada ayaaba kala daadan rabta.”

Hoos ka akhri jawaabaha…

Hadalsame Media