Arrin nasiib darro ah oo maanta ka dhacday Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde + Sawirro

0

(Muqdisho) 22 Maarso 2021 – Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde ayay maanta ka dhacday arrin nasiib darro ah kaddib markii ay halkaa iskula dheceen ciidamo dharcad ah oo ka tirsan Hay’adda Nabad-sugidda ee NISA iyo kuwa Waaxda Socdaalka.

Kaaga darane, hardanka ayaa ka dhacay qaybta ay kasoo degaan kana baxaan duullimaadyada caalamiga ah, iyadoo uu xitaa halkaa ka dhacay gacan ka hadal keenay burbur hantiyeed oo ka muuqda muraayadaha iyo agabkii wax lagu hubinayey.

Waxaa sidoo kale dhacay khalkhal amaan oo qabsaday dadwaynihii halkaa ka dhoofayey ama imanayey oo aad ula yaabbanaa waxa dhacayey.

MAXAA LA ISKU QABTAY? Wararka soo baxaya ayaa tibaaxaya in la isku qabtay dad ajnabi ah oo aan la garanaynin oo shalay halkaa kasoo degey kaddibna ay ku dhegtey Waaxda Socdaalka oo shaqadeeda gudanaysa oo ka dalbatay inay keenaan damaanad iyo cidda ay u socdaan.

Yeelkeede, waxaa markiiba arrinta si xoog ah usoo farageliyey dharcadka Nabad-sugidda oo dalbaday in raggan iyaga lagu wareejiyo, balse waxaa arrintaa inay waajibkeeda ka gudato ku adkaysatay Waaxda Socdaalka, ha yeeshee, NISA oo xoog adeegsanaysa ayaa raggii wadatay, iyadoo loo gacan qaaday qaar ka mid ah shaqaalaha Waaxda Socdaalka.

Arrinta ayaa halkeedii kasii socotay saakay, iyadoo ay weliba kusoo aaddey jeer ay timid dayuuradda diyaaradaha Turkish Airlines oo ay rakaabkii kasoo degey safaf ku jiraan kuwii ay qaadi lahaydna ay hoolka sugitaanka dhooban yihiin, markii uu mar kale dagaal dhexmaray Ciidanka Nabadsugida iyo kuwa Waaxda Socdaalka, taasoo keentay inay jajabaan muraayadihii miisaska hubinta.

Waa dhacdo runtii nasiib xumo ah oo weji aad u foolxun u yeelaysa Somalia, maadaama meesha ay wax ka dhacayaan ay tahay Garoon caalami ah, weliba qaybtii gaarka ugu qaybsanayd rakaabka caalamiga ah, waana sumcad xumo maamul iyo mid amaan.

Ciidanka Dharcadka ee NISA ayaa beryahan dambe aad looga sheeganayey iyadoo xitaa lagu arko shirarka Baarlamanka, taasoo ah dhaqan ugub ah oo aan la arkin burburkii kaddib.

Hadalsame Media