Suuriya oo gantaal ku sigtay wershad nukliyeerka soo saarta oo ku taalla Israel (Nooca gantaalka)

0

(Tel Aviv) 22 Maarso 2021 – Ciidanka Israel ayaa sheegay in gantaal lid dayuuradeed ah oo laga soo tuuray dalka Suuriya uu ku dhacay xarunta nukliyeerks Dimona oo ku taalla koonfurta Israel.

Ma jirto xog sheegaysa khasaare ka dhashay balse waxaa mar qura is qabsaday dawanka dhiillada ee curiyaha nukliyeerka ee Dimona, oo aan laakiin isaga wax gaarin, sida ay sheegeen ciidanku.

Weriyaha Al Jazeera ee Harry Fawcett oo kasoo warramay Galbeedka Qudus ayaa sheegay in gantaalka ka yimid Suuriya uu qara waynaa oo qaraxiisa laga maqlay Quddus oo dhan, taasoo 150km u jirta meesha uu ku dhacay.

Afhayeenka Ciidanka Israel ayaa xaqiijiyey in gantaalkan lagu ridey dayuurad ciidan oo ay Israel oo duqayn ka gaysatey gudaha Suuriya, taasoo markii dambe soo dul martay agagaarka Dimona.

Gantaalka ay Suuriya kasoo daba riddey waa SA-5, xilli ay dayuuraduhu weerareen dhowr qunux oo laga rido gantaalaha daafaca cirka ee Suuriya.

Gantaallo kale ayay dhici kartaa inay ku dheceen lama Degaanka Negev.

Hadalsame Media