“Waa in sharciga la hor keenaa dadkii ka dambeeyey!” – RW Rooble oo si kulul uga hadlay wixii ka dhacay Garoonka

0

(Muqdisho) 22 Abriil 2021 – Xukuumadda Federaalka ee Somalia ayaa si kulul uga hadashay falkii foosha xumaa ee maanta ka dhacay Garoonka AAIA.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Somalia, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in aan marnaba la aqbali karin dhacdadii foosha xumeyd ee ka dhacday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa intaa raaciyey in Wasaaradda Amniga iyo Hay’adaha kale ee ay khuseyso in ay baaritaan deg deg ah ku sameeyaan falkaas si dhaqso ahna sharciga loo horkeeno cid kasta oo ku lug lahayd.

Arrintan ayaa aad uga yaabisay shacabka Soomaaliyeed, iyadoo la arkayey askar dharcad ah garoonka weliba qaybaha ay dayuuraduhu istaagaan isku dagaalaya iskuna dhex cayrsanaya.

Hadalsame Media