Kaddib dayradii Midowga Afrika MW Farmaajo waxaa hor yaalla inuu 2 waddo uun mid qaado

0

(Hadalsame) 22 Maarso 2021 – Wasiirkii hore ee Iskaashiga Caalamiga ah ee Somalia, Cabdi Caynte ayaa sameeyey qoraal uu ku xusay inay Farmaajo hadda hor yaallaan 2 dookh oo qura kaddib warkii Midowga Afrika.

Caynte ayaa qoraalkiisa ku bilaabay sidan; Bismillah, Mohamed Abdullahi Farmaajo muddo toddobaad gudihiis ah wuxuu ku dhacay bohoshii ugu weyneyd. Kaddib markii uu si sharci darro ah labo sano ugu dhufsaday, wuxuu damcay inuu ka dhex kalluumeysto Midowga Afrika, si loogu xalaaleeyo boollida uu dhacay.

Caawa ayay Midowga Afrika kasoo xireen albaabkaas, waxayna codkooda ku biiriyeen caalamka intiisa kale (USA, EU, UK & UN).

Laba wadiiqo oo kala daran ayaa u furan:

1. Inuu kusii socdo dhabbaha qar iska xoornimada, sheegtana inuu yahay madaxweyne sharci ah. Taas waxaa ka dhalan doonta in isaga iyo xertiisa toos loo beegsado, cunaqabateyn iyo curyaamin kale la dul dhigo.

2. Inuu iscasilo, kaddib marka uu garowsado tabar darradiisa.

Ku soco ayaan leeyahay!

Hadalsame Media