Israel oo xaqiijisay aalad aysan iska difaaci karin haddii lagu soo weeraro

0

(Tel Aviv) 18 Maarso 2021 – Israel ayaa la sheegayaa inay ku liidato iska difaacidda daroonnada, sida uu sheegay Matanyahu Englman oo warbixin cusub soo saaray, iyadoo haatan ay socoto dood maxalli ah oo ku saabsan cidda mas’uulka ah in la ogaado meesha uu ka jilcan yahay amaanka qaranku.

Warbixintan ayaa sheegaysa in Ciidanka Israel ay 78% aysan awood u lahayn in ay iska difaacaan weerarrada daroonnada, taasoo halis amaan oo qoowmi ah keenaysa, sida ku qoran warbixinta Englman oo lagu daabacay Jerusalem Post.

Englman ayaa sheegay in ay arrintan ka garteen in wixii ka bilowda Luulyo 2020, ay ilaa 30,000 oo daroon ka howlgelayeen Israel, kuwaasoo sameeyey ilaa 90,000 oo duullimaad Gobolka Tel Aviv oo qura. Badankoodu ma diiwaan gashana mana jiro xal tiknolojiyadeed oo lagula socdo.

Kaaga darane hay’aadka dowladeed ee Israel ayaa isku haysta cidda ay tahay inay arrintan la xaasho oo mas’uul ka noqoto, iyadoo uu Englman ku talinayo in arrintaa iska kaashadaan Booliiska dhexe iyo Hay’adda Duullimaadyada Rayidka ah (CAA).

Hadalsame Media