Matoor Jet ah oo uu Turkigu dhisay oo rikoodh caalami ah dhigay & waxa loogu tala galay oo aan ahayn sidaad moodayso

0

(Ankara) 18 Maarso 2021 – Matoorkii ugu horreeyey ee uu Turkigu u sameeyo Gantaalaha Ridada Dhexe ee Markabka dila (MRASM) oo ah nooca hawada tufa ee TEI-TJ300 ayaa rikoodh caalami ah dhigay kaddib markii uu soo saaray awood dhan 1,342 isagoo adeegsanaya gacan dhan 240 mm, sida uu sheegay Wasiirka Tiknolojiyadda & Wershadaha Turkiga, Mustafa Varank.

Matoorkan oo ay iska kaashadeen hay’aadka Tiknolojiyadda iyo Cilmi Baarista ee TÜBITAK iyo mashruuca TEYDEB, ayaa yoolkaas gaarey, taasoo ka dhigaysa matoorka ugu bandhig wanaagsan kuwa noociisa ah, caalamka oo idil.

Turkiga ayaa matoorkan samayntiisa bilaabay kaddib markii uu la kulmay xayiraado rasmi ah iyo kuwo dadban, taasoo waxyeellaysay helitaanka matoorradan lagu xiro gantaalaha.

Mashruucan ayaa isaga dhanba la bilaabay 2017-kii, waxaana sidoo kale TÜBITAK ku wehliya hay’adda TAI ee hawada sare iyo midda matoorrada ee TUSAŞ Engine Industries (TEI) waxaan ka marnayn shirkadda gantaalaha dhista ee Roketsan, waxayna haatan diyaariyeen matoor kaba gudbey filashadii hore.

Matoorrada noocan ah ee ah 230-250 mm waxay soo saaraan awood dhan 1,250 newton oo qura, marka uu gacanku yahay 250 mm.

Hadalsame Media