MW Farmaajo halloo akhriyo 9-kan QODOB ee kaddib isagu magac ha u bixiyo waxa uu yahay nidaamkiisu

0

(Hadalsame) 18 Maarso 2021 – Maalin dhowayd waxaa Idaacadda la iska arko ee Shabeelle TV laga baahiyey wax lagu tilmaamay ”waraysi dadban” oo uu bixiyey MW Cabdullaahi Farmaajo, kaasoo marka la eego hab-raacyada waraysi madax bannaan, aad dhabbaha u seegganaa isagoo aan xitaa lahayn su’aalo raacdo ah (follow up).

Yeelkeede, ma doonayo inay waraysigaa ku mashquulo ee waxaan doonayaa inaan eegno hadal uu Madaxwaynuhu kaga jawaabey markii la waydiiyey inuu ”kali talis yahay” iyo in kale, taasoo uu diidey. Haddaba, aannu eegno dhowr qodob kaddibna aan ka fikirno waxa ay yihiin:

1 – Laba todobaad oo is xigta ayay Muqdisho ka dhacday in lagu qabto dibedbax Madaxwaynaha lagu taageerayo iyo in la diido mid looga soo horjeedo, iyadoo lagu doodayo inuu jiro Covid-19 oo dabcan sanad iyo bar kahor bilowday, laakiin aan saamaynin midkii Madaxwaynaha lagu taageerayey.

2 – Siyaasiyiintii mucaaradka ahaa ayaa qaar la weeraray, qaar la xannibay, qaar la xabbadeeyey, iyadoo si cad loogu diidey in dibedbaxyo dhigtaan, hadda kahor siyaasi ayaa laga xirey meel hool ah oo uu dad kula hadli lahaa.

3 – Hadda waxaa la cayrsanayaa Saadaq J, waxaana lagu haystaa inuu ku tuntay hab-raaca ciidanka, waloow uusan war xun sheegin, balse aanba ka dhigno inuu sameeyey amar diiddo ciiddan (mutiny), sidee ayay sax ku tahay in Wasiirro iyo rag Guddoomiyeyaal iyo Xildhibaanno ihi ay wixii ay doonaan sheegi karaan, qori karaan, faafin karaan, kaliya marka ay wax ka sheegayaan dhinaca mucaaradka.

Waxaa dadkaa ka mid ah qaar amaanka ku magacaaban, iyadoo ay geleeyso qaybta danaha is diiddan (conflict of interest) in qof xil amaan hayaa uu u dhaqmo dayaacayadiiste nidaamku isticmaalo, soow taasi halis gelin mayso mucaaradka iyo dadka dhexdhexaadka ah?

4 – Waxaa aad loo arkayaa adeegsiga dayaacadaha (propoganda) si loo faafiyo xog-beenaadyo, dadka qaar lagu magac dilayo, qaar lagu amaanayo, qaarna loogu hanjabayo, taasoo ah hab-dhaqan lagu yaqaan nidaamyada kali taliska ah. Intii aan arkayey nidaamyada dimoqraadiga furan ah, weli ma arag xisbi talo haya iyo mid kasoo horjeeda oo adeegsanaya dacaayad noocaas ah. Waa caadi marka ay qolo soo bandhigto khalad muuqda oo ay dhinaca kale galaan, laakiin waa inay wax run ah yihiin. Waxaa dheer inaan la dhegeysanin dareenka shacabka iyo sida ay wax u arkaan, balse la isku dayo in la marin habaabiyo ama la manipulate gareeyo.

5 – Warbaahintii Qaranka oo markii la eego nidaam dimoqraadi ah la doonayey inay wada adeegsan karaan mucaarad iyo muxaafid maadaama ay qarankii wada yihiin, wuxuu usii xuub siibanayaa laan ka tirsan Warfaafinta Madaxtooyada, waxaana war ku haynaa in inta la woco loo sheego wixi lagu qori lahaa boggaga ay ku leeyihiin baraha bulshada.

6 – Tan iyo dhicitaankii Xukuumaddii hore, MW Farmaajo oo qura ayay wax kastaahi si cad gacantiisa ugu soo urureen, awal waa la tuhunsanaan jirey balse sidaa uma muuqmuuqan. Tusaale, shirarkii ugu dambeeyey ee lala galo Maamul-goboleedyada waxaa kaligii la fadhiisanayey ama ugu yaraan muusigga garaacayey MW Farmaajo.

Shalay oo u dambaysey, waxaa Beesha Caalamka kaligii la fariistay Madaxwaynaha, shirkana lama joogin cid kale. La soco DF Somalia marka la yiraahdo waxay kaligeed ka kooban tahay 4 hay’adood oo kala madax bannaan iyadoo aan weli la dhisin qaybtii garsoorka, iskaba daa Maamul-goboleedyada. Shirkii shalay ma joogin Guddoonka Labada Aqal, mana fadhin Madaxii XF, xitaa madax sare lama socon sida la sheegay. Waxaa la liqay guud ahaanba hay’aadkii DF ee ay ahayd inay isla xisaabtamaan, maanta dalkii oo dhami wuxuu u dabran yahay DF oo ku ururtay sida uu hal qof doonayo iyo inta isaga ka horjeedda ee ka baxsan iyada.

7 – MW Farmaajo wuxuu marar badan iskaga daba noqday dalalka Geeska gaar ahaan Itoobiya iyo Eritrea oo la fahamsan yahay inuu heshiisyo ballaaran lasoo galay, yeelkeede, ma jirto cid ilaa maanta warcad ka haysta tibxaha heshiiskaas. Baarlaman lama hor gaynin, lama falanqaynin, shacabna afti lagama waydiinin, sida ay ku fiican tahay marka uu nidaamku dimoqraadi yahay. Waa Madaxwaynaha iyo 2 dal oo wax ay isku ogyihiin ku heshiiyey.

8 – Dhanka ku dhaqanka sharciga, si joogto ah ayaa loo jebiyaa oo laguma dhaqmo, haddii ay tahay qof la dhiibey, qof la weeraray, dibedbax la diidey, RW si khalad ah xilkii lagaga qaaday, Wasiirro, Xildhibaanno iyo Guddoomiyeyaal aan lahayn xeer qabanaya. Waxaa ugu dambaysa in haatan lagu doodayo waxaa muddo kordhin ii sameeyey hal aqal oo ka mid ah labadii aqal ee Baarlamaan oo uu weliba muddo-xileedkii ka dhacay.

9 – Sida ka muuqata howl-wadeennada DF, waxaa dad badan lagu qaataa sida ay daacad ugu yihiin Madaxwaynaha ee laguma qiimeeyo shaqo ay qaranka u hayaan, waxaa jira dhowr qof oo ay bulshadu taqaan oo jagooyin aysan qaarkood gudanba karin ama aqoonin lagu siiyey daacadnimadooda gaarka ah (personal loyalty).

Gunaanadkii, MW Farmaajo bal inta sagaalkaa qodob kaligii akhriyo dadwaynaha ha usoo sheego magaca uu isagu isu bixin lahaa.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media