DF Somalia & Danjiraha UK oo isku khilaafay sheegista wixii ay ka wada hadleen

0

(Muqdisho) 18 Maarso 2021 – Danjiraha UK ee Somalia ayaa kulan gaar ah la qaadatay RW Xigeenka DF Somalia, Mahdi Guuleed.

Afhayeenka XF, Ibraahin Macallimuu, ayaa faafiyey inay XF ay Danjiraha kala hadashay xiriirka labada dal sdii loo xoojin lahaa.

 

Yeelkeede, Danjire Foster ayaa caddaysay in laga wada hadlay doorashada dalka iyo in UK aysan marna taageeri doonin muddo kororsi.

Waxay kaloo ku baaqday in si dhaqse ah loo bilaabo wada hadalladii si heshiis looga gaaro moodalka doorashada.

 

Hadalsame Media