DEG DEG: DF Somalia oo sheegtay inay qabatay lacag kaash ah oo Kenya ka timid

0

(Muqdisho) 18 Maarso 2021 – War haatan soo dhacay ayaa ay DF Somalia ku sheegatay inay Garoonka Dayuuradaha Muqdisho ku qabatay lacag kaash ah, sida ay faafisay Sonna.

“Ciidanka Saldhiga Booliska Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde oo maanta Gacanta ku dhigay lacag tiro badan oo sharci darro ku soo gashay dalka,” ayaa lagu soo qoray bogga Wakaaladda Wararka.

“Lacagta ayaa la socotay diyaarad ka timi dalka Kenya. Baaritaan dheeri ah ayaa xilligan Ciidanku ku hayaan dhacdadan.” Ayaa la daba dhigay, war kasoo baxay Taliyaha Booliiska Dhexe, Jen. Cabdi Xasan Maxamed Xijaar.

Ma jiraan ilo madax bannaan oo weli arrintan xaqiijiyey.

Hadalsame Media