DF Somalia oo soo bandhigtay sawirrada lacag kaash ah oo “Kenya ka timid”

0

(Muqdisho) 18 Maarso 2021 – Warar hor leh ayaa kasoo kordhaya lacag kaash  ah oo ay DF Somalia ku sheegatay inay Garoonka Dayuuradaha Muqdisho ku qabatay, sidii ay horay u faafisay Sonna.

“Ciidanka Saldhiga Booliska Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde oo maanta Gacanta ku dhigay lacag tiro badan oo sharci darro ku soo gashay dalka,” ayaa lagu soo qoray bogga Wakaaladda Wararka.

“Lacagta ayaa la socotay diyaarad ka timi dalka Kenya. Baaritaan dheeri ah ayaa xilligan Ciidanku ku hayaan dhacdadan.” Ayaa la daba dhigay, war kasoo baxay Taliyaha Booliiska Dhexe, Jen. Cabdi Xasan Maxamed Xijaar.

Haatan waxaa lasoo bandhigay sawirrada lacag xir xiran iyo boorso ag taalla oo aan cadadkeeda la sheegin.

Ma jiraan ilo madax bannaan oo weli arrintan xaqiijiyey.

Hadalsame Media