XOG: Shirkii Teendhada oo runta la iskugu sheegay & moowqifyada la isla soo qaaday (MW oo ku gorgortamay…)

0

(Muqdisho) 17 Maarso 2021 – MW Farmaajo ayaa kaligiis maanta kulan Beesha Caalamka kula yeeshay Teendhada Afisyooni.

Waloow aan weli xog rasmi ah la haynin, wararka aannu ka helayno ilo hoose ayaa sheegaya in aad looga hadlay xaaladda xasaasiga ah ee uu haatan dalku muquuranayo oo sii darsatay tan iyo muddo kororsigii.

Beesha Caalamka ayaa Farmaajo u jeedisey inuu meesha ka saaro muddo ko xordhinta sharci darrada ah ee uu isagu ka dambeeyo.

Sida aannu xogta ku heleeyno MW Farmaajo ayaa ku dooday inuu taa ogol yahay, balse lagu raaco qabashada doorasho qof iyo cod ah.

Beesha Caalamka ayaa deeto ku celisey inaysan jirin wax badan oo lagu gorgortamo maadaama uu dalku haadaan kasii dhacayo isla markaana uu sii xumaanayo amaanka magaalada Muqdisho oo ah meesha qura ee ay jir ahaan ka taliso DF Somalia.

Waxaa loo sheegay in haddii ay xaaladdu sidan usii cakirnaato ay faraha ka bixi karto loona baahan yahay xal siyaasadeed oo deg deg ah, sidaa darteed, shuruud la’aan dib loogu soo noqdo Shirkii Teendhada.

Xog ku saabsan jawaabaha kama dambaynta ah weli lama helin..

Hadalsame Media