XOG: Qorshe uu MW Farmaajo damacsan yahay oo durba u muuqda mid fashilmay

0

(Muqdisho) 17 Maarso 2021 – Xogo hor leh oo kasoo baxaya kulankii maanta ku dhexmaray Teendhada Afasiyoni MW Farmaajo iyo wakiillada Beesha Caalamka ayaa la sheegayaa in aanay kasoo bixin wax natiijo ah.

Kulanka oo ahaa mid ay dalbatay Beesha caalamka ayaa ujeedkiisu ahaa in Farmaajo iyo kooxdiisa loogu baaqo inay dib ugu laabtaan wadahadaladii doorashada ee Teendhada Afisyooni iyo in howlaha doorashada loo dhiibo Madaxa XF, RW Rooble.

Farmaajo ayaa la sheegayaa inuu isku difaacay in muddo kordhintu tahay “go’aan Baarlamaani ah” oo aanu isagu shuqul ku lahayn, waloow aan laga akhrisan.

Beesha Caalamka ayaa usheegay Farmaajo in Aqalka Hoose oo weliba waqtigii ka dhacay uusan kaligii gaari karin go’aanno masiiri ah, iyagoo u sheegay inay go’aan ka qaadanayaan haddii uu halkaa kusii dhegganaado.

Yeelkeede, Farmaajo ayaa wakiillada caalamka ku yara dejiyey xeel cusub oo ah in fursad la siiyo si uu arrinta xal ugu doono, isagoo ballan qaaday inuu si toos ah ula kulmo Midowga Musharrixiinta.

Caawa Afurka kaddib, waxaa la sheegayaa inay ballansan yihiin MW Maamullada Galmudug iyo HirShabeelle, Qoorqoor, iyo Cali Guudlaawe iyo Midowga Musharixiinta.

Waxay kawada hadli doonaan qorshaha cusub ee uu wato Farmaajo ee ah inuu la heshiiyo mucaaradka si ay usoo magacawdaan RW cusub, iyaguna ay taageeraan mudo kordhinta uu wato.

Warar xog ogaal ah ayaa se sheegaya inay musharixiinta durba qorshahaasi iyo la kulankiisaba diideen iyagoo ku baaqay inuu Farmaajo ku laabto wadahadaladii Teendhada, taasoo fashilaysa tillaabada ugu dambaysa ee Madaxtooyada.

Hadalsame Media