3 KHALAD oo ka soo dhex baxaya sawirkan oo aad loogu faafinayo baraha bulshada

0

(Muqdisho) 17 Maarso 2021 – Waxaa baraha bulshada wareegaalaysanaya sawir muujinaya laba xaaladood oo ah Muqdisho oo mar burbursan marna dhisan, balse sawirkan ayaa aad la iskugu haystaa ujeedada laga leeyahay.

Sababtuna waxay tahay waxaa sawirkan faafinaya rag aad ugu dhow dhow Madaxtooyada Villa Somalia. Haddaba, sawirkani ma gudbinayaa farriinta looga dan leeyahay? Ma wuxuu dhalayaa natiijo caksi ah? Khalad dhanka xogta ah miyaa se ku jirta?

1 – Sawirkan waxaa ku jira laba khalad-xogeed marka horeba kuwaasoo kala ah:

a) Sawirkan oo muujinaya qayb ka tirsan Degmada Howlwadaag waxaa burburkiisa u sabab ahayd DF ee maba aha 1991. Waxaa daaraha jidkan oo aanay waxba ku gaarin dagaalladii Muqdisho ka dhacay min 1991-kii uu burburkani soo gaarey wixii ka dambeeyey 2007-dii oo ay Muqdisho ku dirirayeen Ciidamo Itoobiyaan ah oo sheeganayey inay caawinayaan DF iyo kooxihii muqaawamada oo xilligaa u badnaa shacabka Muqdisho.

b) Dowladdu dadka guryaha uma dhisin ee iyagaa dhistay, sidaa darteed, micne samayn mayso in lasoo bandhigo sawirkaba.

2) Waxaa sawirka ay dadka qaar u fasiri karaan gorgortan ku aaddan in nidaamka haatan jiraa uu dadku kala dooransiinayo in magaalada la burburiyo iyo in iyaga la raaco, taasoo dilaysa kalsoonida dadwaynaha.

3) Aragtiyaha ku dhisan waxyaabihii dhacay 1991-kii, waa wax aysan wanaagsanayn in la wad wado mucaarad iyo muxaafidba, waa mar ay Somalia qaadday jidad khaldan, sida inqilaabkii, jabhadihii qabaliga ahaa ee ku kacay iyo burburkii 91-kii kaddib, sidaa darteed, waxaa wanaagsan in la dhiso quluubta umadda, lagana shaqeeyo is aaminaad iyo dib u heshiisiin ee aan la raacin ama la  wadwadin wax ay umaddu ku qaybsamayso.

Gunaanadikii, qolyaha dacaayadda ugu qaybsan Madaxtooyadu uma muuqdaan dad istaraatijiistayaal ah oo cabbiri kara natiijada ka ratibmaysa sawirrada ay samaynayaan iyo hadallada ay ku hadlayaan.

Waayo, si kastaba, Xamar maba aha meel amaankeedu sugan yahay oo maalin kasta ayaa dad lagu qarxiyaa, dilaa ama lagu dhaawacaa, taasoo ah waajib ay gabtay DF oo ku faanaysa sawirrada guryo ay shacbi dhisteen.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media