Qiimaynta baasaboorrada caalamka oo lasoo saaray (Dal aan la filayn oo Afrika ugu baasaboor fiican & Somalia oo dalal waawayn dhaaftay)

0

(Hadalsame) 15 Maarso 2021 – Hay’adda Henley Passport Index Report ayaa qiimaysay baasaboorrada ugu awoodda badan dunida, iyadoo dabcan lagu tixgelinayo inta dal ee fiise la’aan ama in garoonka laga qaato loogu safri karo (visa-free or visa-on-arrival), waxaana 1-aad xirtey dalka Japan oo lagu tegi karo 193.

Waxaa 2-aad xirtey Singapore (192), kaddib South Korea iyo Germany ayaa 3-aad kula jira 191.

Finland, Italy, Luxembourg, iyo Spain were 4-aad ku wada haysta 190 dal, Austria iyo Denmark (189); France, Ireland, Netherlands, Portugal, Sweden (188); Belgium, New Zealand, Switzerland, United Kingdom, United States (187); Czech Republic, Greece, Malta, Norway (186); Australia, Canada (185); and Hungary, Lithuania, Poland, Slovakia (183).

AFRIKA – Seychelles ayaa ah dalka ugu baasaboor fiican Afrika oo idil, waxayna dadwaynaha gasiiraddani tegi karaan 152 dal, iyadoo dunida uga jirta 27-aad.

South Africa, ayaa 2-aad uga jirta qaaradda dunidana 53 waxayna tegi karaan 103 dal, iyadoo soo raacaan Botswana, Namibia, Lesotho, eSwatini, Malawi, Kenya, Tanzania, iyo Tunisia.

DALALKA UGU LIITA – Dalka Afghanistan ayaa dunida ugu baasaboor xun wuxuuna tegi karaa 26 dal. Iraq (28) ayaa ku xigta Syria (29), Pakistan (32), Yemen (33), Somalia (34), dhulalka Falastiin (37), Nepal (38), iyo North Korea (39 dal).

Taasi waxay ka dhigan tahay in Somalia waloow ay ka mid tahay safka dalalka ugu liita dunida, ay misna ka baasaboor fiican tahay dalalka Afghanistan (26), Iraq (28), Syria (29), Pakistan (32), iyo Yemen oo ah 5 dal.

Hadalsame Media