”Waxay ahayd in cows la saaro!” – Musuq lagula kacay garoon caan ka ah Degmada Kaaraan & Maamulka Gobolka oo baaq loo diray + Sawirro

0

(Muqdisho) 15 Maarso 2021 – Warar soo baxaya ayaa sheegaya in la lunsaday lacag loogu tala galay in cows macmal ah lagu saaro Garoon-xaafadeedka Qoob Dooro oo ku yaalla Degmada Kaaraan. Xogaha ayaa sheegaya in nus-milyan doollar loo qoondeeyey casriyaynta garoonka.

Weriye Ciyaareed, Cabdullaahi Baliil, oo arrintan la socdey isla markaana sheegay inuu cadaymo hayo ayaa qoraalkan ka sameeyey:

Sidaan la soco xilligii uu noolaa alaha u naxariistee Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Inj. Yariisow waxaa uu dhagax dhigay mashruuca dhismaha Garoonka Qoob Dooro ee degmada Kaaraan waxaana jirtay hay’ad bixineysay kharashaadka ku baxaya dhismaha garoonka oo balanta ahayd in cows la saaro hadaba naxaa dhacay?

Inj. Yariisow waa tii uu Alle oofsaday mashruuciina waxaa gacanta si hoose loogu geliyay xubno macaash raadis ahaa oo aan dan ka lahayn Sports-ka quruxdiisa waxayna ugu dambeyn go’aansadeen inay lacagihii cowska lagu soo iibin lahaa qaataan oo garoonka bacaadkiisa lagu dhaafo.

Haddaba, waayehee maxaa la dhisay hadiiba garoonku uu weli bacaad yahay darbi kaliya ayaa lagu wareejiyay taasina waa khayaano ay ku keceen xubno caan ku ah musuq maasuqa noocaan oo kale ah oo aad looga yaqaanno Sports-ka Gobolka Benaadir.

Guddoomiye Cumar Maxamuud Filish waxaan ka codsaneynaa in uu dib ugu laabto furitaanka lagu khayaanay oo waliba saxaafada lagala dhuuntay waayo waxaan haynaa cadaymo kasta oo muujinaya mashruucaasi iyo ballanqaadkiisii ee halla xisaabtamo dadka Sports-ka sheeganaya ee Muqdisho u yimid in ay magaca Sports-ka wax ku cunaan oo aan horumarin loo samayn.

In horumarka Sports-ka Gobolkan uu hal nin u xirnaado oo guryo iyo gawaari ka gato waa wax aan damiirku qaadan karin. Haddii arrinkan laga aamuso berrina garoomada xaafadda waa la iibsan doonaa.

Hadalsame Media