GAR-NAQSI: Yaa gar daran XF & beesha caalamka? (Arag afartan arrimood)

0

(Muqdisho) 15 Maarso 2021 – XF ayaa beryihii dambe soo saaraysey qoraallo u muuqda kuwo ay ku maagayso beesha caalamka, waxaana ugu dambeeyey qoraal xalay kasoo baxay Wasaarad Dibadeedka Somalia.

Waxaa inta badan qoraalka ku xusan inay Somalia tahay dal madax bannaan taasoo ah marin habaabin shacabka kuwooda aan sidaa u qodnayn looga dhaadhicinayo inay dan qaran iyo madax bannaanidiisa la daafacayo.

Yeelkeede, waxaan soo gaabinaynaa inta qodob ee ay ku khaldan tahay XF Somalia, annagoo qirayna in XF ay xaq u leedahay inay wixii fara dheeri ah diiddo, balse waqti xaadirkan ayamaa gardaran?:

1 – Dalalka ay dooddu khuseeysaa waa dalal iyo ururro Somalia caawiya sida inay bixiyaan mushaharaadka, mug-dhisid ay u sameeyaan shaqaalaha DF, dib u dhiska hay’aadka DF Somalia, maalgelin iyo horumarin ay sameeyaan oo ay wehliso inay Somalia siiyaan taageero siyaasadeed, sida aqoonsiga iwm.

2 – Somalia waxa lagu haysto waa in doorashada waqtigeedii la qabto iyo inaan la abuurin nidaamyo is barbar yaacaya, iyo doorasho qaban maayo ee waa ku darsanayaa oo ay Madaxtooyadu taagan tahay. Beesha caalamka ayaa deeto taagan haddii ay taasi dhacdo lacag iyo taageero siyaasadeed bixin mayno. Xusuusnow, ma jiro qof waxgarad ah oo beesha caalamka ku taageeraya wax khalad ah iyo faragelin qaawan, balse wixii ay ku gar leeyihiin laguma maagi karo. Marka is waydii cidda khaldan.

3 – Sida aannu soo xusnay waxa hadlayaa ma aha adduunkii oo dhan ee waa dalal iyo ururro ay Somalia jaal la tahay ama xubin ka tahay, ninkii wax ku siiyana wuu ku khasban yahay inuu kula xisaabtamo si aad dheeraad uga hesho ilaa aad marka dambe cagahaaga isku taagto, marka aan xisaab cuno bale yaan la i xisaabinin socon mayso. Tan kale AU, UN, IGAD iwm annaga ayaa xubin ka ah, EU, UK, Turkey, Qatar iyo USA jaal ayaan la nahay, marka inay arrimeheenna ka hadlaan si otomaatig ah looguma fasiri karo faragelin, waayo sababta ay lacagaha noogu farraqayaan waa inay wax nagala dhexeeyaan.

4 – Dunida waxaa dal meel dheer ku gaaraa inta dal ee uu xiriir wanaagsan la leeyahay ee meelna kuma tago inta uu col la yahay, tusaale fiican waxaan ka dhigan karnaa Turkiga oo hadda aad noogu dhow. Bilihii ugu dambeeyey Sucuudigu wuxuu gebi ahaanba joojiyey inuu badeecooyinkiisa iibsado, saasoo ay tahay Turkigu weli xiriir uma jarin oo shalay xitaa wuxuu Erdogan dhambaal u dirayey Boqor Salmaan.

Faransiis, Israel, Maraykan, Giriig, Ruush, Imaaraad, Masar, Armenia iyo dalal badan oo kale oo qaab suququl ah ula dhaqma Turkigu marna xiriirkii uma jarin isumana xanaajin ee siyaasad ayuu kula macaamilaa. Marka aragtida sufahadu soo tufayso ee ”halla eryo, Somalia Soomaali baa leh, qab baa la soo celinayaa (qab micnihiisu waa kibir, kibirna Alle ayaanba jeclayn, miskiin kibirsanna xitaa insaanka ayaan jeclayn), cidna loo joojin maayo iwm ma jirto cid ay meel gaynayso.

Weliba xilligan la joogo Somalia waa dal dhulka yaalla kalana qaybsan, sidaa darteed, iyada ayaa maanta cid kasta u baahan. 4 sano oo ugu dambeeysey waxaa la hagaajiyey xiriirka hal dal oo ah Itoobiya oo iyaduna ah dal aan muhiimad diblomaasiyadeed iyo mid maaliyadeed aan noo lahayn, waxaana la xumeeyey xiriirrada Imaaraadka iyo midka Kenya oo dhulka sii galay, waloow ay labada dambe naga gardaran yihiin misna iyada oo dunida qaab qabow loo tusayo ayaa xiriirkooda la wadi karaa.

Waxaan rajaynayaa in la joojiyo siyaasadda qaalin buubnimada iyo khabar daarka ku dhisan. Siyaasadda dibeddu aad bay sideedaba Somalia uga kharribnayd tan iyo xornimadii waayo waxaa lagu xukumayey dareenka (emotion) ninkii markaa xukunka haya, balse siyaasaddu uma baahna dareen ee waxay u baahan tahay sida aad ka badin waydo (pragmatic), waana in la ogaadaa in aanu dunida guul ka keenaynin dal aan lahayn siyaasad deggan oo caalami ah oo la isku hallayn karo.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media