”Xeebeheenna ka fogaada!” – Ruushka oo u hanjabey maraakiib dagaal oo uu Maraykanku usoo diray Black Sea

0

(Moscow) 13 Maarso 2021 – Moscow ayaa maanta Maraykanka uga digtey inay maraakiibtooda dagaalka ka fogeeyaan jasiirad u ekaha Crimea, iyadoo maraakiibta lasoo dhoobayo Badda Black Sea ku tilmaantay daandaansi.

Ruushka ayaa Crimea xoog uga goostay dalka Ukraine 2014-kii iyadoo lagu wado inay laba markab dagaal oo uu Maraykanku leeyahay ay Badda Madow soo galaan todobaadkan dhexdiisa jeer uu Bariga Ukraine kasoo cusboonaaday dagaal ay Ukraine kula jirto jabhado uu Ruushku taageero, kaasoo ay horay ugu dhinteen 14,000 oo qof.

Maraykanka ayaa maraakiibta soo diray kaddib markii la helay xogo sirdoon oo reer Galbeed ah oo sheegaya in Ruushku uu ciidamo badan ku daabulayo aagga u dhow Bariga Ukraine ee u dhow Crimea. Ruushka ayaa ku dooday inay ciidamadooda gaynayaan meeshii ay doonaan.

Wasiir Xigeenka Dibedda Ruushka, Sergei Ryabkov, oo ay soo xiganayaan ilo wareedyo Ruush ah ayaa maanta digniin u diray maraakiibta Maraykanka ee imanaya Black Sea isagoo sheegay inay dhici karaan shilal aan lasii cayimi karin.

“Ma jirto wax ay maraakiibta Ruushku ka qabanayaan xeebaha agteenna ah, taasi waa daandaansi cad, waxay tijaabinayaan sabarkeenna oo dareenkeenna ayay ku ciyaarayaan mase socon doonto,” ayuu yiri Ryabkov oo Maraykanka u sheegay inay ka fogaadaan xeebaha Ruushka.

“Dantiina ayaa sidaa ku jirta.” ayuu ku gooddiyey, iyadoo uu Bentagon diidey inuu arrintan ka hadlo.

Hadalsame Media