Talo ku socota mucaaradka diiddan muddo kororsiga (Ma ka roon tihiin mise waad ka liidataan nidaamka?)

0

(Hadalsame) 13 Maarso 2021 – Waxaa shalay dhacday arrin lagu tilmaami karo nasiib darro iyo talo xumo uu ku dhaqaaqay nidaamka haatan jira, waa sennaariyo aysan dad badani soo dhowaysan inuu ku kici karo Madaxwayne aad loo jeclaa looguna kalsoonaa, balse haatan ballantii uga baxay shacabka Soomaaliyeed iskuna koobay in yar oo aan mandiqiyad iyo waaqiciyad toona ku kordhinaynin.

Yeelkeede, waxaa muhim ah hal arrin, waana in mar kasta laga fikiraa in xaaladda loola macaamilo si aan uga daraynin wadciga guud ee dalka, waana marka qura ee uu mucaaradku muujin karo inuu ka roon yahay ama ka liito nidaamka uu ka horjeedo.

”Waan goosanaynaa”, ”xalku waa xabbad”, ”Dowlad kale ayaan ka barbar dhisaynaa”, ”magaalada ayaa lagu dhex dagaallamayaa”, ”Cabdi Bileyaal ayaan hub saaraynaa” iyo ”Waa in dalka la cunaqabateeyaa”, waa aragtiyo ay kusii silcayaan uun shacabka Soomaaliyeed.

Waa aragtiyo aysan ka baaraandegin kuwa muddo kororsiga sameeyey iyagoo aysan jirin wax ay tixgelin siiyeen oo ka badan hankooda gurracan ee aan garaadka ku daabnayn, yeelkeede, midka ka horjeeda ayay laftiisa mas’uuliyadi saaran tahay midda uu noqonayo labadii haween ee ilmaha yar isku qabsaday ee midi tiri ”noo kala jara”.

Midna ogaada, waloow ay aad u adag tahay in qofna socodsiiyo wax aan shacabka Soomaaliyeed iyo caalamka aan taageero ka haysanin, misna waxa meesha yaallaa waa 2 sanadood oo loo diidi karo si ay ka muuqato lex-jeclo umadeed iyo mid dal.

Dadka qaar baa u fikiri kara inay dow tahay in wax kasta lagu sii ciyaaro, balse qof kasta iskii ayay mas’uuliyadi u saaran tahay, min qofka caadiga ah ee shacabka ah ilaa midka ugu sarreeya ee xilka loo dhiibey.

Talyaaniga ayaa ku mahmaaha ”Dopo la pioggia, arriva il sole” oo ka dhigan ”Roob kaddib qorrax baa soo baxda”, marka marxalad kasta oo timaadaa waa tii gudubta, waxa qura ee la isku dhaafay waa qofkii la yimaada caqli fadhiya oo iyada oo aan laga darin looga gudbo, mucaaradkeennu wuxuu dhaqan u leeyahay in culays kasta la dul dhigo wixii markaa taagan, balse waxaa waajib ah in wax la xeeriyo, taasaana ah sida aad shacabka ugu caddayn kartaan inaad tihiin qaar dhaama nidaamka jira.

Runta haddii la sheegana, nidaamka haatan jiraa wuxuu marar badan ka faa’iidaysanayaa bandhig xumada siyaasadeed ee mucaaradka oo marar badan muujiya qorshe xumo, wadanniyad la’aan, iyaga oo hoosta iska cuna korna iskaga qosla iyo ujeeddo xumo lagu daray tanaasul la’aan.

Waa dookhiinna iyo dariiqii aad qaaddaan midka dadka tusaya inaad nidaamka dhaantaan iyo inaad ka dhib badan tihiin. Dowga fiicani se waa inaan laga darin.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media