”Xaafado ka tirsan Ankara ayaa isu bedeley ”Somalia yar” – Saxaafadda Turkiga oo ka hadashay Soomaalida halkaa joogta

0

(Ankara) 13 Maarso 2021 – Istanbul ayaa ah magaalada ugu mashquulka badan Turkiga, balse Soomaalidu waxay door bidaan caasimadda dalkaasi ee Ankara, sida lagu faafiyey wakaaladda Anadolu (AA).

Sida Afrikaan badan oo caasimadda Turkiga u taga waxbarasho, caafimaad iyo maalgashi ama ganacsi, waxaa haatan halkaa kusoo badanaya ganacsiyada Soomaalida min makhaayado, wakaalado ganacsi ilaa meelaha timaha iyo jirka lagu hagaajiyo.

Degmada Kızılay, oo ku taalla qalbiga caasimadda, waxaa kusoo badanaya makhaayado ku yaalla jidadka yar yar iyo dukaamo cunto, iyadoo ay macaamiisha Turkiga ah ee danaynaya cuntada Soomaalidu ay halkaa tagaan.

Turkey ayaa xiriir dhow oo heer dal ah la leh Somalia, waxaana maadaama ay labada dhinac wadaagaan dhaqan iyo taariikh, Soomaalida u sahlan inay dalkaa degaamaystaan, iyagoo ka imanaya Somalia ama qurbaha sida Yurub iyo ka shishe.

Ankara, ayaa dhanka kale aad uga jaban Istanbul oo ah magaalo dalxiis oo aad qaali u ah, sidaa darteed, waxay Soomaalidu door bidaan Ankara, iyadoo ay jidadka Kızılay, Sümer 1 iyo Sümer 2 ay ku dhowaad isu bedeleen ”Somalia yar”, iyadoo laga furay ganacsiyo badan.

Hadalsame Media