Waxyaabaha muhimka ah ee ay Somalia ku waayayso ismariwaaga siyaasadeed ee taagan

0

(Muqdisho) 11 Maarso 2021 – War qoraal ah oo ka soo baxay Midawga Afrika, Midawga Yurub, QM iyo IGAD ayaa lagu sheegay in ay wal wal aad u sareeya ka qabaan xaaladda Soomaaliya.

Warsaxaafadeed ay Ururada kor ku xusan Soo saareen ayaa yimid kadib markii ay 9kii bishaan ay wadahadal dhanka fogaan araga kaga yeesheen ismariwaaga siyaasadeed ee ka taagan qabashada doorashadii la filayay in ay dalka Soomaaliya ka dhacdo.
Urur goboleedyada Caalamka ayaa sheegay in iyada oo la tixgalinayo, madaxbanaanida Siyaasadeed, Dhuleed iyo tan midnimo, ay ugu baaqayaan hogaamiyayaasha Soomaalida in ay muhiimadda siiyaan danta qaranka, islamarkaana ay sida ugu dhakhsiyaha badan ay uga heshiiyaan qodobada dhiman si loo xaqiijiyo in wax talaabo ah oo curyaaminaya xasiloonida dalka aan la qaadin, sidoo kale waxaa ay sheegeen in arrintaani ay mihiim u tahay daganaanshiyaha amaanka caalamka.
“Heshiiskii 17-kii Sebtembar waa wadada ugu muhiimsan ee lagu qaban karo doorasho, iyaga oo ku guubaabiyay DFS iyo DG in ay dib u eegaan talo soo jeedintii guddiga Farsamada Baydhabo, sida ugu dhaqsiyaha badan loo hirgaliyaa arrintaas.
Waxaa ay urur goboleedyada QM, Midawga Afrika, IGAD iyo Midawga Yurub uga mahad celinayaa saaxiibada caalamka dadaalkooda ay ugu sahleen hogaamiyayaasha Soomaalida in ay shir isugu yimaadaan, iyada oo hadii loo baahdo hab cusub oo lagu taageerayo kulanka saamilayda Siyaasaddana ay muhiim tahay in la adkeeyo.
Waxaa ay xaqiijiyeen in aanay taageeri doonin talaabo kasta oo doorasho hal dhinac ah, mid isbarbaryaac ah iyo wax walba oo horseedi karo muddo kororsi hay’adaha dawladda ah.
Waxaa ay walaac badan ka miijiyeen saamaynta xun ee uu dhanka Nabadda, Xasiloonida, Daganaanshiyaha iyo horumarkii dalka uu ku yeeshay ismariwaaga siyaasadeed ee u dhaxeeya hogaamiyayaasha dalka, Waxaana ay ugu yeereen madada dalka in ay sii wadaan horumarkii laga sameeyay dhismaha dalka iyo siyaasada loo dhan yahay, si gaar ah waxaa ay u xuseen doorashooyinkii dalka ka dhacay iyo xukunka oo si nabad ah la isugu wareejiyo.

Ugu danbayntii, waxaa ay shir saxaafadeed kooda ku yiraahdeen: Waxaan ka cosanaynaa madaxda dalka si loo gaaro doorasho xor iyo xalaal ah oo xasilooni ku dheehan tahay in ay maanta gudbiyaan arrimaha danaha u ah dadka Soomaaliyeed, waana in ay ka fogaadaan talaabo kasta oo horseedi karta in xiisaddu ka sii darto.

Waxaa Diyaariyey: Xasan Cadde

Hadalsame Media