Gabar Soomaaliyeed oo qoraal ka samaysay moowduuc ku saabsan dhibaato ay ka sheegtaan dadka anjabiga ihi

0

(London) 11 Maarso 2021 – Hibaaq Faarax oo ah weriye caalami ah ayaa qoraal ka sameeysay moowduuc aad loogu baahnaa oo ku saabsan sida dalka Ingiriiska ay dadku khalad ugu dhawaaqaan magacyada umadaha kale.

Hibaaq oo ah gabar Soomaaliyeed ayaa maqaal ay The Guardian ku qortay uga sheekeeysay sida magaceeda oo ay sheegtay in uu ka kooban yahay laba kiconood oo ah hi iyo baaq oo ay ku tilmaantay mid aan dhib badnayn ay dadka ajnabiga ihi u kari waayeen  ee ay deeto u jarjareen magaca ama usoo gaabiyeen.

Waxay tusaale kale usoo qaadatay sida iyada looga doonayo inay u karto magacyo dhib badan sida Siobhan, Saoirse iyo Schwarzenegger halka iyada magaceeda Hibaaq loogu dhawaaqayo He-beak.

Hibaaq ayaa sheegtay in magacyada dadka laga tirada badan yahay mararka qaar si kas ah loo qalloociyo ama loo dhihid xumeeyo sida ku dhacday MW Xigeenka Maraykanka ee Kamala Harris oo uu Trump si ku camirasho ah magaceeda ugu dhawaaqay isaga oo ka hadlaya isu soo bax.

Waxay Hibaaq intaa raacisay in magacu uu yahay dhaqan side isku xiraya qofka iyo hiddihiisa, haybtiisa iyo taariikhiida, iyadoo sheegtay in maanta oo ay socdaan doodo cunsuriyadeed aysan wax wayn ahayn inay waydiistaan in magacyadooda sax loogu dhawaaqo.

Waxaa Isku Duwey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media