Somalia oo ay ku soo korodhay xirfad casri ah oo dhanka beeraha ah + Sawirro

0

(Muqdisho) 11 Maarso 2021 – Dalka Somalia ayaa waxaa kusoo xoogaysanaya xirfado cusub oo dhowaan gal ah balse nacfi badan umadda u leh, waloow nasiib darro tahay inay weli dhanka kale socdaan dagaallo iyo hardanno micne darro ah.

Waxaa meelo badan laga hirgeliyey farsamada beeraha dedan ee loo yaqaan Greenhouse, taasoo loo waraabiyo qaabka dhibicda, iyadoo la sar goynayo biyaha loo baahan yahay iyo weliba sida ugu fiican ee cayayaanka iyo jaanka looga dili karo.

Sawirrada waxaa ka muuqda arday ka socota Jaamacadda Somali International University ee SIU, gaar ahaan Kulliyadda Beeraha oo xiisad cilmi kororsi ah ku tegey beer dedan oo ku taalla Degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho.

Sida uu sheegay Cabdiraxmaan Sabriye oo beertan sameeyey waxay doonayaan in beerahan oo ay kasoo baxaan khudaarta kala duwan ay xajmi ahaan iyo cilmi ahaanba ballaariyaan, xilli ay Somalia ka mid tahay dalalka ugu liita dhanka isku fillaanta quudka daruuriga ah.

Hadalsame Media