Paul Alexander 69-sanadood ayuu sidaa u nool yahay balse ma malayn kartid heerka uu gaarey!

0

(Hadalsame) 06 Maarso 2021 – Paul Alexander waa mid ka mid ah dadka ka badbaaday cudurkii dabaysha ee 1950-kii ka qarxay Maraykanka, waxa uu naafo ka noqday inta ka hooseysa qoortiisa isagoo lix jir ah sanadkii 1952-KII.

Waxa laga maarmaan noqotay in loo helo mashiin neefta ka caawiya, markaa waxaa jiray neef caawiye loo yaqaanay IRON LUNGS oo qabanaya shaqadii sambabada .

69-sano ayuu mashiinkan la noolyahay, intaasi kama aysan joojin in uu nolosha la hardamo, waxbarto sidoo kalena uu shaqaysto.

1967-kii ayuu ka qalinjabiyay dugsigiisa sare isaga oo aan waligii xaadirin, Wuxuu is baray in uu xifdiyo inta uu Note qaadan lahaa, ka dib deeq waxbarasho ayuu helay, 1978-KII ayuu ka qalin jabiyay Kulliyadda Qaanuunka (degree of law), 1984 waxaa uu helay shaqo ah in dadka la baro eray cilmiyeedyada sharciga, 1986 waxaa loo dhaariyay in uu yahay lawyer buuxa hadda waa abuukaate leh kumanaan macaamiil.

31 March 2020 ayuu soo saaray buug uu ugu magacdaray “ Three Minutes for a Dog: My Life in an Iron Lung”, wariye ayaa weydiiyay maxaad u qortay buugan waxa uu yiri “ Just to inspire thousand of life’s like you “ .

Qisadda paul labo cashar oo waaweyn ayaa ku sugan.

1. Nusqaan kasto oo aad leedahay haddii aad dadaasho riyooyinkaaga aduun iyo mid aakhiro waa ay kuu rumoobayaan.

2. Paul waxa noloshiisa u maceeyay waa in uusan isla barbardhigin dadka nicmada haysta ee wax dheer ee sida caadiga u neefsanaya, meel walbana lugohooda ku tagaya sidaas daraadeed cidna inaad isla barbardhigto ma ahan wax ku saxan caqli ahaan iyo diin ahaanba marka waligaa qofna ha isku miizaamin.

Ugu dambeyn aan xasuusano hadalki Alle SWT, aan ka fikirno waxa uu paul 69 la’ayahay ee aanan ku baraarugsnaayn, aan dhahno Alxamdullilah

“و إِن تَعُدُّوا نِعْمَتَ اللَّهِ لَا تُحْصُوهَا ۗ إِنَّ الْإِنسَانَ لَظَلُومٌ كَفَّارٌ”
Haddii aad walaalo kale gaarsiin karto waxay u noqon doontaa baraarujin fiican.

Xigasho: Ahmed Salad

Hadalsame Media