SAWIRRO: Wararkii ugu dambeeyey ee dagaalka Gobolka Soomaalida & Canfarta + Shacabka oo gurmad bilaabay

0

(Jigjiga) 06 Maarso 2021 – Ciidanka Gobolka Soomaalida ayaa saaka galay dagaalkii ugu waynaa ee ay ka qayb qaataan muddo 3 sanadood ah, kaddib markii ay riixeen Ciidan isku dhaf ah oo ay Canfartu wadatey.

Canfarta ayaa Soomaalida ku haysata degaanno ka tirsan Galbeedka Gobolka Sitti oo ay horay u siiyeen Jabhaddii Tigreega ee TPLF oo degaanno badan oo Soomaaliyeed ku kala daray Maamul-goboleedyada deriska la ah Gobolka Soomaalida ee ay Itoobiya maamausho.

Canfarta oo la sheegay inay taageeranayso Ciidanka Gobolkeeda, malliishiyaad kale oo Itoobiyaan ah iyo xitaa qaar ka tirsan Ciidanka DF Itoobiya ayaa muddo 3 sanadood ah weerarro ku hayey Galbeedka Gobolka Siti.

Dagaalka oo uu khasaare badani ka dhashay ayaa la sheegayaa inay Soomaalidu guulo gaartey waloow aan weli war hubban halkaa laga haynin.

Dhanka kale, shacabka magaalooyinka Gobolka Soomaalida ayaa durba laga bilaabay gurmad loo sameeynayo Ciidanka Liyu Police ee gobolka, iyadoo ay dadwaynuhu dhiig u shubayaan ciidamada halkaa kusoo dhaawacmay.

Hadalsame Media