Turkiga oo samaynaya miiggii ugu horreeyey ee bilaa duuliye ah

0

(Ankara) 06 Maarso 2021 – Sharikadda ku caan baxday samaynta daroonnada Turkiga ee Baykar Makina ayaa sii ambaqaadaysa tiknolojiyadda agabyada ciidan ee aanay cidina wadin iyadoo markan diiradda saaraysa dayuuradaha guuxooda ka dheereeya ee ay Soomaalidu miigga u taqaan.

Selçuk Bayraktar oo la hadlayey hilinka Azerbaijaniga ah ee Ictimai TV, ayaa si wayn u faahfaahiyey doorka uu daroonka Turkigu ku lahaa dagaalkii Nagorno-Karabakh oo ay Baku ku xoraysatay dhul 30 sano ka maqnaa.

Wuxuu sheegay in maanta gaadiidka is wada aanu kaliya ku ekaan doonin daroonnada, balse sidoo kale ay samaynayaan dayuuradaha guuxooda ka dheereeya, taangiyo, doonyo iyo gaadiid dagaal dhanka berriga ah oo iyaguna is wada.

Turkiga ayaa sidoo kale dhisaya Bayraktar TB3 oo ah daroonkii ugu horreeyey ee ka duuli karaa markab kuwa dayuuradaha xambaara ah marka guud ahaan la eego daroonnada.

Hadalsame Media