Dhibaato ay Tigreegu Soomaalida u beereen oo haatan ka hor keenaysa qoowmiyadaha deriska la ah

0

(Jigjiga) 06 Maarso 2021 – Xogo la isku hallayn karo oo ka imanaya dhanka Gobolka Soomaalida ayaa sheegaya in ciidanka maxalliga ah ee gobolku ay dib u riixeen weerar abaabulan oo uga yimid dhanka Canfarta oo soo weeraray saldhig ay leeyihiin Ciidanka Gobolka Soomaalida iyo dad degaanno ku yaalla Gobolka Siti.

Canfarta oo ay taageerayaan malliishiyaad kale oo kasoo jeeda qowmiyado kale, ayaa bilihii dambe u hardamayey inay xoog ku qaat degaanno ka tirsan Gobolka Soomaalida.

Arrintan ayaa salka ku haysa tillaabo istaraatiji ahayd oo ay qaadeen jabhaddii Tigreega ee TPLF oo deegaanno iyo degmooyin ka tirsan dhulka Soomaaliyeed ee haatan Itoobiya maamusho hoos geeyey Maamullada Canfarta iyo Oromada, si ay halkaa uga dhaliyaan khilaaf aan dhamaan oo dhexmara qoowmiyadahaa deriska ah ee Kushitigga ah.

Meelaha la isku hayaa waa Cadeytu, Candhufo, iyo Garba Ciise oo ah 3 magaalo oo muhim oo ay Canfartu doonayso inay Maamulkooda ku darsato, sida ay horay ugu sameeyeen Tigreegu.

Dhowaan ayay Guddiga Doorashada Itoobiya waxay Gobolka Soomaalida ku canaanteen in degaannadani ay ka tirsan Maamulka Canfarta, balse MW Maamulka Soomaali State, Mustafe Cumar, ayaa arrinkaa iska diidey.

Dadka Soomaaliyeed ee halkaa deggan ayaa sidoo kale waxay horay isu laayeen Oromada oo ay degaanno isku hayaan.

Hadalsame Media