Halka ay iska shabbahaan siyaasadda Somalia & Kenya + Meesha lagu kala tegey

0

(Hadalsame) 06 Maarso 2021 – Bulshada Soomaalida qabyaaladdu waa u “Nolol!” Aragtiyo badan ayaa jira, qaarkood aan kala fogeyn oo sababeynaya waxyaabaha Soomaalida ku ibtileeyey qabiilka.

Arrintaas waxa ay u baahanahay sharraxaad dheer iyo dhinacyo badan in laga eego.

Yeelkeede, ummado badan ayaa sideena ku habaaran qabyaaladda, tusaalaha ugu dhaw waa Kenya oo dariska ah! 10 sano ayaan ku noolaa, maalmahanna si weyn ayaan siyaasadooda ula socdaa, xilli ay hadda bilaabeen ol’olaha doorashada 2022.

Siyaasadooda qabyaaladda ayaa sida teenna qanjaha joogta, walow ay toodu qoowmiyad ku dhisan tahay oo aysan sida Soomaalida hal qoowmiyad ahayn.

Kenya heerka aqoonta beel fiican ayey joogaan, maxaa qabyaaladda ku waalay?Waxa ay saxaysaa qalad laga aaminsan yahay aqoonyarada haddii aqooni wax tareyso soo Kenyanka qabyaaladda kama joojiseen?!

Meeqo PHD haysata oo Soomaali ah ayaa qabyaaladdu meel xun ka gashay?? Laakiin Kenyanka hal mid ayay nooga fiican yihiin…… Qabyaaladooda si xasilloon ayay ugu wada nool yihiin.

Tolow, bahasha haddii aynaan ka tegi karin, walba si xasilloon ma ugu wada noolaanaa??

Waxaa Qoray: Maxamed Kaafi

FG: Qoraal kasta wuxuu ka tarjumayaa qoraha ku saxiixan

Hadalsame Media