Wararkii ugu dambeeyey Shirka Teendhada (Laba shuruudood oo la aqbalay & mid la diidey)

0

(Muqdisho) 02 Maarso 2021 – Waxaa kaddib dedaal dheer oo ay samaysay beesha caalamku, ugu dambayn lagu guulaystey in la isla ogolaado in berri oo Sabti ah ay shir iskugu yimaadaan dhinacyada Madaxtooyada DF Somalia iyo Maamul-goboleedyada, kaasoo lagu dhigayo Teendhada Afisyooni.

Arrintan ayaa muujinaysa in Madaxtooyadu ay aqbashay shuruudo ay wateen kooxaha mucaaradka ah sida in ajendaha shirka marka hore laga wada hadlo kahor inta aan la furin, waxaa kale oo jira xogo sheegaya in laga hadli doono dhacdadii 19-kii Febraayo oo si sharci darro ah loo hor istaagey dibedbax lagu baaqay iyo rasaasayn iyo weerar loo gaystey musharrixiinta iyo madax kale. Waxaa kale oo la sheegayaa in MW Farmaajo laga doonayo inuu saxiixo warqad caddaynaysa inuu awoodda wareejinayo oo uu ku sime yahay maadaama xilkii ka dhamaaday.

Waxaa kale oo la aqbalay in Beesha Caalamku ay goobjoog shirka ka ahaato, iyadoo kulanka berri lagu wado inay soo fariistaan wakiillo ka socda beesha caalamka oo goobjoog ka noqonaya kulanka lagu dejinayo ajendaha shirka.

Yeelkeede, waxaa la diidey oo fashilmay isku day ay kooxaha mucaaradka ah, gaar ahaan Deni iyo A. Madoobe ku doonayeen in Farmaajo laga wareejiyo hogaaminta shirka, taasoo ay si cad u diiddey Beesha Caalamku, sida ay xoguhu sheegayaan.

Hadalsame Media