XOG: Beesha caalamka oo la wareegi karta shirka arrimaha doorashada (Tillaabooyinka xiga & wararkii ugu dambeeyey)

0

(Muqdisho) 01 Abriil 2021 – Inkasta oo uu Madaxwayne Maxamed C/laahi Farmaajo shir isugu yeeray 5ta maamul goboleed maalinta Sabtida ah, haddana waxaa jiray shir uu James Swan ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Q/midoobay ugu yeeray dhamaan dhinacyada siyaasadda ee is diidan oo ay ku jiraan Golaha badbaado qaran sida aan ka soo xigtay xubin ka tirsan golaha badbaado qaran iiyo maamul goboleedyada.

Shalay markii golaha amaanka ee Q/midoobay ay ka shirayeen arrimaha Soomaaliya waxaa jiray in dawladaha waaway ee codka Veto ga leh ay ku kala qaybsameen go’aan laga qaato muranka ka taagan arrimaha doorashooyinka.

Dawladaha Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa isku dhinac noqday halka Russia iyo China ay iyaguna aad u defaceent dhanka dawladda, waxaase ay isku aragti ka noqdeen in doorashada sida ugu dhakhsiyaha badan loo qabto islamarkaana wadahadalada si aan shuruudi ku jirin la isugu yimaado.

James Swan oo markii hore aan haysanin awood uu isugu yeeri karo Siyaasiyiinta Soomaalida ayaa hadda u muuqda in uu Mandate kaas helay.

Waxaana golaha amaanka uu ka warsugayaa sida looga soo qaybgalo shirka maalinta sabtida dhici doona iyo cidda ka dhaga adaygta.

Arrimahaan ayaa yimid kadib markii ay beesha caalamku ka quusatay heshiis ay si madaxbanaan uga gaaraan dhinacyada Soomaalidu arrimaha doorashada, iyaga oo arrintaasina la wadaagay golaha amaanka ee Q/midoobay.

Madaxwaynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa laga soo xigtay in ay aqbaleen shirka uu ugu yeeray James Swan iyo xubnaha beesha caalamka, waxaanse la ogayn waxa ay mawqifkooda ka badali doonto warqadda casuumaada ah ee uu diray Madaxwayne Farmaajo.

Shirka Sabtida ayaa isagu noqonayo shir aan rasmi ahayn oo looga hadlayo heshiis laga gaaro ajandayaasha shirka rasmiga ah la la tagayo.

Waxaa muuqata in hadda ay beesha caalamku la wareegayso hogaanka shirka, kadib heshiis midaysan oo ay hogaamiyayaasha Soomaalidu ka gaari waayeen arrimaha doorashooyinka.

Waxaa Diyaariyey: Xasan Cadde

Hadalsame Media