Jabuuti oo si adag uga jawaabtey hanjabaad uga timid dhanka Somalia

0

(Jabuuti) 01 Abriil 2021 – Dowladda Jabuuti ayaa si kulul uga jawaabtey hanjabaad dhowaan kasoo baxday maamulka Kooxda Shabaab oo ku baaqayey hanjabaado ka dhan ah dalkaasi.

Jabuuti ayaa sheegtay inay ka war qabto muuqaalka ay laba maalmood kahor baahisey kooxdaasi oo ay ku faafisay eedo aan ‘raad lahayn’ oo ka imanaya koox halis ku haysa amaanka dalka Somalia, sida warka lagu yiri.

Jabuuti ayaa sheegtay inay tahay jaal ay Somalia isku hallayn karto isla markaana ay sii wadi doonto dedaallada lagu xasilinayo Somalia.

”Jabuuti dhayalsan ma doonto hanjabaadda loo jeediyey si la gudboon bayna u wajahaysaa oo uga hortegeysaa.” ayaa lagu yiri War Saxaafadeedka oo kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta dalkaasi.

Hadalsame Media