”War arinkaas ha laga joogo!!” – Siyaasi mar aad ugu dhowaa Farmaajo oo ka digey arrin lagu xamanayo Madaxtooyada

0

(Muqdisho) 01 Maarso 2021 – Siyaasiga Cabdiraxmaan Dr Cabdullaahi Baadiyow oo sidoo kale ah barbaariye iyo aqoonyahan Soomaaliyeed ayaa ka digey arrin beryahan lagu xamanayey Madaxtooyada oo ah inay doonayso tillaabo muddo kororsi ah oo ah sababaha ay caqabadaha badan u dul dhigayaan in doorasho la aado.

Dr Baadiyow oo ka mid ahaa siyaasiyiinta beri dhexdeer ah aad ugu dhowaa MW Farmaajo oo mar ka dhigay madaxa wada hadallada DF Somalia iyo Maamulka Somaliland ayaa aad carrabka ugu adkeeyey kuna celceliyey inaan lagu fikirin wax ku darsi ah oo dalka ‘musiibo’ u horseedi karta.

”Haddii ay dhacdo muddo kordhinta la sheegaayo ee hay’adaha la doorto ee qaranka Somaliyeed, waa bilowgii musiibo qaran, fowdo iyo sharta oo albaabka loo balaqay, mana shaqayneyso,” ayuu yiri Dr Baadiyow.

”War arinkaas ha laga joogo!! War arinkaas ha laga joogo!! War arinkaas ha laga joogo.” ayuu deeto 3 jeer ku celceliyey.

Arrinta ku darsiga ayaa la qiyaasayaa inay ku hoos qarsoonayd ajende aysan dadku ku qancin oo ku saabsan cudurka Covid-19, balse waxay u muuqataa inaan ilaa haatan tillaabadaa lagu dhaqaaqin, walow ay kulamo kale soo socdaan.

Dad badan oo u dhuun daloola arrimaha siyaasada dalka iyo beesha caalamka ayaa sidoo kale marar badan horay uga digey in ay qolo gaar ihi doorasho qabato ama ku darsato.

Hadalsame Media