DAAWO: RW Abiy Axmed oo baxar wayn ku jirta: Muuqaal muujinaya Ciidamada Itoobiya oo gebi ka tuuraya dad Tigree ah oo ay laayeen oo la helay (Waa lagaaga digayaa muuqaalkan)

0

(Hadalsame) 02 Maarso 2021 – Baaritaan uu sameeyey barnaamijka BBC ee Africa Eye ayaa soo saaray macluumaad muujinaya ciidamada Itoobiya iney xasuusq ka geysteen waqooyiga dalka Itoobiya. Waxay sida oo kale soo saareen gooba xasuuq uu ka dhacay oo ugu yaraan lagu dilay 15 qof.

Horraantii bishii March waxaa baraha bulshada si weyn u dhex socday muuqaallo goosgoos ah oo muujinaya rag xiran tuutaha ciidamada oo ku soo baxay dad rayad ah oo aan hubeysneyn, kaddibna dadki rasaas ku furaya dadki dhintayna gabi ka tuuraya.

BBC
Qofka dharka shacabka xiran oo dhulka fadhiya ayaa la arkayaa waxyar ka hor inta ay ciidamadu toogasha ku dilin
Qoraalka sawirka,Qof rayad ah oo aan hubeysneyn oo dhar shacab xiran oo dhulka yaalla ayaa la arkayaa waxyar un kaddib marki uu xasuuqa billowday
BBC

BBC waxay xaqiijisay goobta uu xasuuqa ka dhacay iney ku dhowdahay magaalada Mahbere-Dego oo ku taallo waqooyiga deegaanka Tigraay, halkaasi oo ay ku dagaallameen ciidamada Itoobiya iyo xoogagga Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigraay ee TPLF.

Dagaalka oo billowday bishii November ee sanadkii hore xilligaasi oo ay dowladda Itoobiya dagaal ka dhan ah TPLF degaankaasi ka billowday kaddib marki uu ra’isal wasaare Abiy Axmed uu TPLF ku eedeeyey maleeshiyaad daacad u ah iney weerareen saldhig ciidan oo halkaasi ku yaallay.

TPLF ayaa si weyn uga soo horjeestay xukunka Abiy Axmed oo awoodda dowladda dhexe uu ku ballaarinayo.

Maamulka deegaanka Tigraay wuxuu sheegay dagaalka deegaankaasi ka dhacay ilaa hadda iney ku barakaceen dad ka badan laba malyan oo qof, dad ka badan 4 malyan oo qofna ay gargaar bani aadaminmo u baahdeen.

BBC
Map
BBC

Muuqaallada goobaha

Kooxda baaritaanka sameysay ee BBC Africa Eye waxay si wadajir ah u wada shaqeeynayeen falanqeeyayaal ka socda warbaahinta Bellingcat iyo Newsy, si ay u qeexaan goobaha rasmiga ah uu xasuuqa ka dhacay.

Dadki ugu horreeyey ee muuqaalka ku baahiyey baraha bulshada waxay ku doodayaan in muuqaalkaasi laga soo duubay meel u dhow magaalada Mahbere-Dego. Barnaamijka Africa Eye wuxuu falanqeyn dheeraad ah uu ku sameeyey goobaha muuqaalka ka muuqdo sida waddada ka muuqato, buuraha, iyo togagga kaddibna waxay isbarabar dhigtay sawirro dhanka dayaxgacmeed looga qaaday agagaarka magaaladaasi.

BBC
Fikta buurta
Sawir muuqaalka laga soo qaatay iyo sawir dayaxgacmeed lagu qaaday oo isbarbar dhig lagu sameeyey
Sawir muuqaalka laga soo qaatay iyo sawir dayaxgacmeed lagu qaaday oo isbarbar dhig lagu sameeyey
BBC

Jihada iyo dhererka hooska ay bixiyeen ragga hubaysan ayaa gacan ka gaysatay in la tilmaamo waqtiga iyo maalinta ay u badan tahay iney arrintaasi dhacday wuxuuna isbarbardhigga sawirka uu muujiyey aagga dhacdadaasi inuu ku beegan yahay waqooyi-koonfur, taas oo Afrika Eye u suuragelisay inay aqoonsato goobta ay suuragalka tahay iney wax dhaceen.

Sawirka muuqaalka ku jiray ayaa la dulsaaraya khariidadda juqraafi ahaan deegaankaasi muujineysa taasoo u muuqato iney si aad ah iisu waafaqeen. Waxaana deegaankaasi si gaar ah u sii xaqiijiyey togga qallalan ee agmarayo, dhulka doogga ah iyo dhirta meesha ka muuqata.

BBC
Muuqal laga soo qaaday fidiyoowga oo la dul saaray sawir 3D ah si loo xaqiijiyo sax ahaanshaha goobta
Muuqal laga soo qaaday fidiyoowga oo la dul saaray sawir 3D ah si loo xaqiijiyo sax ahaanshaha goobta
 
Dhulka cagaaran ee fidiyoowga ka muuqda oo la dul saaray sawir 3D ah
Dhulka cagaaran ee fidiyoowga ka muuqda oo la dul saaray sawir 3D ah
BBC

BBC waxay khadka taleefanka ay kula hadashay qof deggan magaalada Mahbere-Dego, waxayna sheegeen ciidamada Itoobiya bishii January ee sanadkan 73 qof iney ka kaxeysteen magaalada iyo nawaaxigeeda, seddex ka mid ahna ay yihiin ehelada qofka taleefanka lagula hadlay. Wuxuuna qofkaasi sheegay ilaa iyo hadda dadkaasi wax war ah iney u hayn.

BBC waxay sida oo kale la hadashay dad ku nool tuulo magaaladaasi dersi la ah wuxuuna sheegay dadka xasuuqa ay ciidamadu u geysteen inuu ka mid yahay walaalkii. Wuxuuna sheegay dilka inuu ka dhacay Mahbere-Dego isaga ooo sheegay xilliga ay arrintaasi dhacday inay ahayd January 2021.

“Waxay ku dileen buurta dhexdeeda” ayuu yiri.

Aqoonsashada ragga hubeysan iyo dhibbanayaasha

Africa Eye uma suuragelin iney aqoonsato shaqsi ahaan ragga hubeysan waxa ay yihiin balse iyada oo ka duuleyso muuqaalka ay heshay waxay baaritaan qoto dheer ku sameeysay direyska ay xirnaayeen ragga hubeysan, oo uu ka muuqdo astaanta ciidamada dalkaasi Itoobiya calanka dalkaasina uu ka mauuqdo taasoo muujineyso raggaasi iney ka tirsan yihiin ciidamaa qalabka sida ee Itoobiya.

Astaamaha kale ee muujinaya iney ciidamadu yihiin kuwa Itoobiyana waxaa ka mid ah tolmada direyska iyo jeebabka direyska sida ay u yaalliin. Mid ka mid ah ragga hubeysanna wuxuu xirnaa koofiyad cagaaran oo astaan ay ka muuqto koofiyaddaasi oo ay qaataan ciidamada Itoobiya.

BBC
Astaamaha kale ee muujinaya ciidamada iney yihiin kuwa Itoobiya
Astaamaha kale ee muujinaya ciidamada iney yihiin kuwa Itoobiya
BBC

Ragga hubeysan waxay ku hadlayeen Amxaariga, oo ah luuqadaha rasmiga ah ee Itoobiya looga hadlo. Shanta muuqaal ee ay BBC heshayna waxaa ka muuqda ciidammo dhowr ah oo mel ku uruursan oo Af-Amxaari ku wadahadlaya qaarkoodna ay dhulka fadhiyaan.

“Dadkan midkoodna ma deyneyno. Midkoodna waa inaan loo turin,” ayuu leeyahay cod laga maqlayo muuqaalka la helay.

“Waa inaan muuqal ka duubnaa, si loo arko dadkan sida ay u dhinteen,” ayuu midkalana leeyahay.

BBC

Muuqaallada kale afarta ah waxaa la arkayaa qof rayad ah oo askari qori ku aaddiyey oo buur dusheed saaran iyo askari dhowr qof dilaya kaddibna meydadka gabi ka tuuraya.

Isla-muuqaalka dhexdiisa waxaa lagu arkayaa askariga oo rasaas ku riday qof dhar shacab ah xiran oo aan sidaa uga fogeyn. Waxaa sida oo kale la maqlayaa iyaga caayayay oo ku jeesjeesaya kuwa dhintay.

“Waxaan jeclaan lahaa inaa gaas ku shubo oo aan meydkooda gubo” ayuu midkalana leeyahay.

“Wey wanaagsanaan lahayd in meydadkooda gaas lagu shubo oo la gubo, loona gubo sida ay Hindidu meydka u gubaan oo kale”, ayuu yiri midka kale oo ninki hore u jawaabaya.

Qofka rayadka ah ee dharka caadiga ah xiran ee dilka loo geysanaya qofka uu yahay lama oga. Balse waxaa la maqlayaa oo keli isaga oo afka Tigreega ku hadlaya. Sida muuqaalka laga dheehan karana ninkan ay ragga hubeysan dilayaan waxay u nisbeeynayaan inuu ka tirsan yahay TPLF.

“Waa gabagabadi wayaanaha” ayuu yiri mid ka mid ah ragga hubeysan oo hadalkaasi ula jeedo TPLF.

“Wax naxariis ah uma galeyno.”

BBC
Goob ay ku sugan yihiin dad ka soo barakacay dagaalka Tigraay
Goob ay ku sugan yihiin dad ka soo barakacay dagaalka Tigraay
BBC

Laetitia Bader, oo ah agaasimaha hay’adda Human Rights Watch waxay BBC u sheegtay Kormeerayaasha hay’addu iney arkeen “xadgudubyo baahsan” oo ka dhacay gobolka Tigraay bilihi la soo dhaafay, laakiin muuqaalka wuxuu ahaa “mid cabsi leh”.

“Waxaan arkeynaa nin aan hubeysneyn oo maxbuus ah oo si bareer ah loo dilaya,” ayey tiri. “Xaqiiqatan arrintan waa mid u baahan baaritaan dheeraad ah, sababta oo ficillada aan muuqaalka ka dheehaneyno waxay noqon karaan dambiyo dagaal.”

BBC caddeymaha ay soo uruurisay waxay u gudbisay dowladda Itoobiya, hase yeeshee, bayaan ay ka soo saartay arrintan waxay ku sheegtay “waxyaabo la soo dhigay baraha bulshada inaan caddeyn ahaan loo qaadan karin”, waxayna dowladdu intaasi ku dartay deegaanka Tigraay inuu u furan yahay baaritaannada madaxa bannaan.

Baaritaanna waxaa sameeyey Aliaume Leroy, Giancarlo Fiorella (Bellingcat), iyo Jake Godin (Newsy).

Waxaa sida oo kale amuurtan ka soo warramay Daniel Adamson, Joel Gunter, Chiara Francavilla, Bertram Hill, Carlos Gonzales, Mohammed Osman, iyo Samir.

Xigasho: BBC

Hadalsame Media